"Kheyraad Dalka Somaliland uu Hodan ku Yahay oo Dunidda Kale Ka Sii Dabar Go'aaya

0
Saturday February 14, 2026 - 09:57:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kheyraad Dalka Somaliland uu Hodan ku Yahay oo Dunidda Kale Ka Sii Dabar Go'aaya

    Cilmi-baadhistan oo laga sameeyay khayraadkan dabiiciga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmi-baadhistan oo laga sameeyay khayraadkan dabiiciga



Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah oo taariikh dheer ku leh ganacsiga caalamka. Fooxa ama luubaanka ka baxa buuraha Somaliland ayaa ka mid ah kheyraadka ugu qaalisan uguna faca weyn dunida. Sida ay sheegtay daraasad ay baahisay Warbaahinta BBC, Kheyraadkan oo door weyn ku leh ganacsiga dunida, ayaa maanta noqday mid ay suuqyada caalamku si xooggan u raadinayaan, iyadoo isla waqtigaas uu ka sii dabar-go’ayo meelo badan oo adduunka ah.

Cilmi-baadhistan oo laga sameeyay khayraadkan dabiiciga ah ayaa iftiimisay in Somaliland ay hoy u tahay noocyada ugu qiimaha badan uguna tayada sarreeya geedka Boswellia, gaar ahaan Boswellia Frereana, kaas oo si gaar ah loogu naanayso "Boqorka Xabagta Udgoon.” Waxa kale oo ay warbixintu xustay in Beeyada Somaliland ay tayo ahaan iyo udug ahaanba, ay ka qiimo iyo miisaan ba culustahay noocyada dunida kale laga helo.

Andy Thornton oo ah khabiir ku takhasusay suuqyada xabagta (fooxa iyo malmal) oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa ydhi "Dhulka buuraha ah ee qallalan, cimillada gaarka ah, iyo hab-dhaqanka fac ka faca ah ee bulshada ayaa Somaliland ka dhigay meel gaar u ah Khayraadkan qiimaha badan iyo soo saarista xabag nadiif ah oo dabiici ah. Taasi waa sababta ay Somaliland u soo jiidanayso indhaha shirkadaha waaweyn iyo warshadaha udgoonka, dawooyinka iyo waxyaabaha dabiiciga ah”.

Mr. Thornton oo sidoo kale ah maamule (Managing Partner) ka tirsan shirkadda Silvan Ingredient Ecosystem oo ah hay’ad la-talin ah oo diiradda saart isku xidhka silsiladaha sahayda (supply chains) ee dabiiciga ah, abuurista nidaamyo ganacsi oo waara (sustainable sourcing), la shaqaynta shirkadaha caalamiga ah iyo beeralayda ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay kayd dabiici ah oo weli firfircoon, kaas oo noqotay il muhiim ah oo ay dunidu ku tiirsanaan karto, xili tahay ay si weyn u sii kordhayaan baahida ay dunidu u qabto Fooxa, haddana ay sii yaraanayaan meelaha laga helo.

"Tani waxay ka dhigan tahay in iyadoo dunidu sii kordhinayso baahida ay u qabto fooxa, haddana meelaha laga helo ay sii yaraanayaan. Somaliland, oo leh kayd dabiici ah oo weli firfircoon, ayaa noqotay il muhiim ah oo dunidu ku tiirsan tahay,” ayuu yidhi Andy Thornton, waxaanu intaaasi raaciyay "Xaaladdani waxay Somaliland siinaysaa furasaddo dhaqaale oo waaweyn iyo door ballaadhan oo suuqyada caalamiga ah maadaama suuqyada caalamku ay si xoog leh u raadinayaan foox tayo sare leh.


Loading...
Loading...