Wasaaradda Caafimaadka JSL Dadaallada Lagu Xoojinayo Nidaamka Caafimaadka Somaliland

0
Saturday February 14, 2026 - 09:53:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka JSL Dadaallada Lagu Xoojinayo Nidaamka Caafimaadka Somaliland

    Tallaabooyinkan waxay diiradda saarayaan xoojinta xog-ururinta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaabooyinkan waxay diiradda saarayaan xoojinta xog-ururinta...



Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo hay’ado caalami ah ayaa fuliyay qorshayaal lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka, kuwaas oo isugu jira horumarinta xog-ururinta, ololaha dhiig-bixinta, tababarka shaqaalaha, adeegsiga tamarta cadceedda, iyo ka hortagga xumadda, ujeeddadu waa tayeynta adeegyada caafimaadka iyo badbaadinta nolosha bulshada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo kaashanaysa hay’ado caalami ah sida PSI, Save the Children, iyo ECHO, ayaa si wadajir ah u hirgelisay hawlo horumarineed oo muhiim u ah nidaamka caafimaadka dalka.

Tallaabooyinkan waxay diiradda saarayaan xoojinta xog-ururinta, tayeynta adeegyada caafimaad, horumarinta nafaqada, dhiig-bixinta, iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda PSI ayaa 25 xarumood oo caafimaad oo gaar loo leeyahay ku wareejisay moobillo casri ah, kuwaas oo loogu talo galay in lagu xoojiyo ururinta, kaydinta iyo gudbinta xogta nidaamka caafimaadka.

Ujeedada waa fududaynta helitaanka xog sax ah oo waqtiyeysan si xarumaha gaarka loo leeyahay uga qayb qaataan qorshaynta, dabagalka, iyo tayeynta adeegyada caafimaad.

Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka iyo Cusbitaallada, Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka Bulshada, Agaasimaha Waaxda ICT-ga, masuuliyiin ka socda PSI, iyo maamulka xarumaha gaarka loo leeyahay.

Qalabkani wuxuu door weyn ka qaadan doonaa isku-xidhnaanta xogta caafimaadka iyo hufnaanta nidaamka adeeg bixinta.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa daahfurtay ololaha tabaruca dhiig-bixinta ee heer qaran, kaas oo ka bilaabmay gobolka Awdal, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Sheekh.

Ujeedada Xoojinta kaydka dhiigga ee cisbitaallada, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah sida hooyooyinka umusha, bukaanada qalliin u baahan iyo shilalka.

Agaasimeyaal wasaaradeed, madaxda cisbitaallada, masuuliyiin ka socday bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dhiig-bixintu waa fal bani’aadamnimo oo badbaadiya nolosha, gaar ahaan xilliyada muhiimka ah sida bisha Ramadaan.

Tababar loo qabtay adeegayaasha caafimaadka ee gobollada Maroodi-jeex, oo socday 5 maalmood, ayaa diiradda lagu saaray hagaha IMAM (Integrated Management of Acute Malnutrition, iyada oo ujeedadu tahay Kor u qaadista aqoonta shaqaalaha ee ogaanshaha, maaraynta, iyo dabagalka bukaanada nafaqo-darrada la ildaran.

Tababarka Gargaarka Degdegga ah ayay wasaaradu u qabatay hawl wadeeno caaimaad, waxa uu socday muddo 3 maalmood, diiradda lagu saaray maaraynta xaaladaha degdegga ah ee bukaanada soo gaadha cusbitaallada, waxa ay ka qayb galayaasha tababarkani ka kala socdeen gobollada iyo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale wasaaraddu waxay qabatay tababar la xidhiidha tallaalka, waxa lagu iftiimiyay silsiladda qabowga iyo maaraynta talaalka.

Ka-qaybgalayaasha ayaa ahaa Madaxda heer gobol ee barnaamijka talaalka iyo maamulka kaydka talaalka, tababarka waxaa bixiyey khubaro ka socday UNICEF.

Geesta kale tababar ku Saabsan Nidaamka Xog-ururinta Caafimaadka ayay qabatay wasaaraddu, waxaanu socday 4 maalmood, diiradda lagu saaray adeegyada kala-korinta ubadka, waxa ka qayb galey shaqaale ka socda 25 xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Hargeysa, waxaana xooga lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda iyo xarumaha gaarka loo leeyahay, tayeynta adeegyada caafimaadka, iyo horumarinta nidaamka xog-ururinta.

Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Togdheer, Dr. Cabdisamad Axmed Rooble, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad oo lagu rakibay nidaamka Solar System-ka, si loo xoojiyo tayada iyo joogtaynta adeegyada caafimaad, gaar ahaan marka korontadu joogto la’ tahay.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd Qiimaynta shaqeynta nidaamka tamarta cadceedda ku shaqeeya, baahiyaha uu daboolayo, iyo saamaynta uu ku leeyahay fududaynta adeegyada.

Saameynta: Hirgelinta nidaamkani waxay taageeri doontaa adeegyada aasaasiga ah ee xarumaha caafimaad iyo joogtaynta adeegyada bulshada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa warbixin ka bixisay xaaladda xumadda ee dalka, oo si gaar ah uga soo badanaysay gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer.

Saameynta xumaddu waxay kordhay in ka badan saddex laab toddobaadkii la soo dhaafay, wwaxaaney wasaaraddu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, dabagalka xaaladaha, wacyigelinta bulshada iyo diyaar-garowga xarumaha caafimaadka.

Fariinta Bulshada: Nadaafadda iyo taxaddarka, ka fogaanshaha meelaha cidhiidhiga ah, iyo la xiriiridda xarumaha caafimaadka marka calaamadaha xumad muuqdaan.

Gaba-gabadii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujisay dadaal muuqda oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka, iyadoo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay. Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah.

Hirgelinta moobillo casri ah iyo nidaamka Solar System-ka, daahfurka ololaha dhiig-bixinta ee heer qaran, tababarada shaqaalaha caafimaadka ee nafaqada, gargaarka degdegga ah, talaalka, BEmONC, iyo xog-ururinta iyo la socodka xaaladda caafimaad ee dalka iyo wacyigelinta bulshada.

Dhammaan hawlahaasi waxay ka tarjumayaan himilooyinka Wasaaradda ee ah horumarinta adeegyada caafimaad, badbaadinta nolosha muwaadiniinta, iyo tayeynta nidaamka caafimaadka ee Somaliland.


Loading...
Loading...