Warbaahinta Horn Vision oo Sheegtay in Somaliland ay Tahay Qaran Xaqiijiyey Guullo iyo Horumar la Taaban-karo
Warbaahinta Caalamiga ah ee Horn Visionayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay qaran xaqiijiyey guul iyo horumar la taaban karo, oo muddo ka badan soddon sanno ku naaloonayay nabad, xasillooni iyo nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya. Isla markaana aqoonsiga caalamiga ah ee qadiyadda Somaliland aanu macnaheedu ahayn dawlad cusub oo la buurayo, balse ay tahay garwshiiyaha xaqiiqo dhab ah oo jirta.
Sidoo kale, Warbaahinta Horn Vision waxay warbixinteeda ku sheegtay in aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay tallaabo wax ka beddeli karta dheelitirka awoodda iyo xisaabta siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, iyada oo la tixgelinayo muhiimadda ballaadhan ee istaraatiijiyadda Badda Cas iyo tartanka quwadaha waaweyn ee saameynta ku leh gobolka.
Warbaahinta Horn Vision waxay sidoo kale xustay in maamulka uu hoggaaminayo Donald Trump uu aqoonsiga Somaliland u arki karo tallaabo geesinimo leh oo ku dhisan danaha dawladda Maraykanka iyo maslaxad siyaasadeed oo dhab ah, iyadoo taariikhdu muujinayso in marka dawladda Maraykanku aqoonsado dal, ay taasi si weyn u beddesho jihada siyaasadda iyo miisaanka awoodda ee gobolkaas.
Waxa kale oo ay warbixintu intaas ku dartay in marka la eego dhanka Dawladda Maraykanka, uu aqoonsigu noqon karo tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo danihiisa Geeska Afrika isla markaana lagu yaraynayo saamaynta Shiinaha ee gobolka. Waxa kale oo warbixintu soo qaadatay tusaalooyin taariikheed oo muujinaya sida madaxweynayaal Maraykan ahi ay hore u adeegsaday aqoonsiga si ay u gaadhaan dan istaraatiiji ah.
Warbixinta oo arrintaasi ka hadlaysana waxa lagu yidhi "Dhanka Maraykanka, aqoonsigu wuxuu noqon karaa tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo danihiisa Geeska Afrika isla markaana lagu yaraynayo saamaynta Shiinaha ee gobolka. Madaxweynayaal Maraykan ah ayaa hore u adeegsaday aqoonsiga si ay u gaadhaan dan istaraatiiji ah: Madaxweynihii George W. Bush waxa uu 2008 aqoonsaday dalka Kosovo; sidoo kale Barack Obama ayaa 2011 aqoonsaday Koonfurta Suudaan; halka Joe Biden uu 2022 aqoonsaday Cook Islands iyo Niue. Tallaabooyinkaas waxay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah, isla markaana muran dhaliyey, balse si weyn u beddelay jihada siyaasadeed ee gobolladooda.”
Sidoo kale, warbixinta ayaa bandhigtay muhiimadda juqraafi siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay xustay in Somaliland ay leedahay xeeb dhererkeedu yahay ku dhowaad 850 kiiloomitir oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, isla markaana ku taalla iridda laga galo Badda Cas. Arrintaasina ay ka dhigeyso Dekedda Berbera mid leh saameyn toos ah oo ku saabsan maamulka marin ganacsi oo qiimihiisu gaadhayo tiriliyan doollar, taasoo sii xoojinaysa doorka istaraatiijiyadeed ee Somaliland.
Warbixintu waxay sidoo kale falanqayn qoto dheer ku samaysay fursadaha iyo faa’iidooyinka uu aqoonsiga Maraykanku u leeyahay Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinta, "Aqoonsigu waa ‘baasaboor qaran’ oo fura albaabbada heshiisyada, ganacsiga, maalgashiga, iyo xubinnimada hay’adaha caalamiga ah. Somaliland, oo si madax-banaan u shaqaynaysay muddo ka badan soddon sanno, aqoonsiga Maraykanku wuxuu siinayaa maalgashi toos ah oo ku saabsan shidaal, gaas iyo macdan; helitaanka suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah; xasilooni sharci iyo heshiisyo horumarineed oo la fulin karo; iyo koboc dhaqaale oo dardar geliya adeegyada bulshada.”
Waxa kale oo lagu sheegay warbixintai in Somaliland ay Mareykanka u tahay fursad istiraatiiji ah, maadaama oo ay tahay saldhig ammaan ah oo lagu kormeeri karo maraakiibta, isla markaana lagula dagaallami karo tahriibka iyo khataraha amni, taas oo ka waxtar badan ilaalinta badda ee fog. Waxaana lagu yidhi "Shiinaha, Ruushka iyo quwadaha kale waxay ku tartamayaan saameynta gobolka, balse Somaliland waxay u furan tahay Galbeedka. Aqoonsiga Somaliland wuxuu Washington siinayaa lammaane dimuqraadi ah iyo saldhig istiraatiiji ah, iyadoo aan loo tartamin booska Jabuuti. Juqraafigu wuxuu Somaliland ka dhigayaa barroosin dabiici ah oo danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika. Sidoo kale Somaliland awoodda furaha iskaashiga gobolka, waana goob istaraatiiji ah oo aanu Adduunku iska indho tiri-karin.”


0 





