Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Horumarineysa Tatyada iyo Hufnaanta Shaqaalaha JSL

0
Saturday February 14, 2026 - 09:49:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo Horumarineysa Tatyada iyo Hufnaanta Shaqaalaha JSL

    Qorshahan Istaraatiijiyadeed ee Afarta Sano waxa uu si gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshahan Istaraatiijiyadeed ee Afarta Sano waxa uu si gaar



Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale qaaday tallaabo muhiim ah, iyadoo si rasmi ah u daah-furtayQorshaha Istaraatiijiyadeed ee Afarta Sano (2026–2029). Munaasibad heer sare ah oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay dhammaan xubnaha Guddida Hay’adda, Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin ka socday Xukuumadda. Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo lagu dhiirrigeliyey qorshahan cusub ee loogu talagalay in lagu hormariyo maamulka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda.

Qorshahan Istaraatiijiyadeed ee Afarta Sano waxa uu si gaar ah ugu yahay fursad horumarinta hay’adda shaqaalaha dawladda, isagoo xoogga saaraya saddex arrimood oo muhiim ah: Xoojinayo hannaanka maamul, tayaynta shaqaalaha dawladda, iyo horumarinta adeegyada ay Hay’addu u hayso shaqaalaha dawaladda JSL. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Siciid Muuse Xoosh, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka, Mudane Xasan Xuseen Cabdi "Xaydar”, ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda qorshahan, waxaanay caddeeyeen in qorshahan uu noqonayo mid hagaya jihada shaqada Hay’adda iyo Guddida muddada afarta sano ee soo socda.

Gebo-gabadii munaasibadda, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa khudbad qoto dheer ka jeediyay munaasibadda, isagoo si weyn uga hadlay muhiimadda uu Qorshahan Istaraatiijiyadeed ee Afarta Sano u leeyahay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan shaqaalaha dawaladda JSL.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale u mahad-naqay dhammaan xubnihii ka qayb-qaatay diyaarin iyo hirgelinta qorshahan, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee uu Baanka Adduunku ka qaatay, iyo dadaalka joogtada ah ee ay muujiyeen dhammaan shaqaalaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.


Loading...
Loading...