Militariga iyo Mucaaradka Dalka Suudaann oo Heshiis Gaadhay
Golaha Millatariga ee haya talada dalka Sudan iyo hogaamiyaasha kacdoonka ayaa maanta ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis dhigaya in la dhiso dowlad ku
meel gaar ah oo muddo saddex sano ah shaqeysa, kaddibna talada lagu wareejiyo
dowlad rayid ah.
Wakiilka Midowga Africa u qaabilsanaa wada-xaajoodka ninka la yiraahdo Mohamed Hassan Lebatt ayaa heshiiska kaga dhawaaqay magaalada Khartoum. Sarkaalkan ayaa sheegay in labada dhinac ay si buuxda u ayideen heshiiska, balsa ma uusan bixin faah faahin dheeraad ah.
Wadahadallada ayaa sii socon doona ilaa laga soo gaba gabeynayo heshiiska.
Heshiiskan lagu soo dhisayo dowladda kumeel gaarka ah ayaa la filayaa inuu soo afjaro dibadbaxyada ka dhanka ah xakunka millatariga ee markii hore kasoo bilowday kacdoonki lagu tuuray Cumar Al Bashir, kaasoo soo billowday 11-kii April ee sanadkan.
Loading...
Loading...


0 





