Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka Hadlay Ahmiyadda Aqoonsiga Israa'iil u leeyahay Somaliland ,

0
Saturday February 14, 2026 - 09:48:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka Hadlay Ahmiyadda Aqoonsiga Israa'iil u leeyahay Somaliland ,

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxa uu xusay in Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxa uu xusay in Somaliland



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Dawladda Israa’iil siisay Somaliland mid taariikhi ah oo albaabada u furaya hannaankii rasmiga ahaa ee ay Somaliland kaga mid noqon lahayd dalalka caalamka, isaga oo sheegay in tallaabadani ay xoojinayso rajada iyo dedaallada ay Somaliland ku kasbanayso beesha caalamka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Israa’iil ay tahay dal taariikhiyan xidhiidh la lahaa Somaliland, isla markaana ay ka mid ahayd dawladihii ugu horreeyay ee aqoonsaday Somaliland xilligii ay ka qaadatay xornimada Boqortooyadii Ingiriiska, iyadoo markaas ka mid ahayd 35kii dal ee ictiraafay Somaliland.

Maxamed Kaahin wuxuu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyay warbaahinta Ruugcadaa Media, waxaanu tibaaxay in dalalka ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland ay ku sallaynayaan diidmadooda dano siyaasadeed oo u gaar ah, isla markaana ay jiraan dalal deris ah oo ka cabsi qaba in haddii Somaliland noqoto dal caalamka mid ah ay taasi saameyn ku yeelan karto jiritaankooda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxa uu xusay in Somaliland ay tahay dawlad ku dhisan awoodeeda gaarka ah, isaga oo tilmaamay in dhammaan madaxweynayaashii Somaliland soo maray, midkoodna aanu ku joogin taageerada ciidan shisheeye, balse ay dawladnimada Somaliland ku taagan tahay ciidankeeda qaranka iyo rabitaanka shacabkeeda.

Guddoomiyaha KULMIYE ayaa si adag u dhaliilay hoggaanka Dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu si buuxda xukumin caasimadda Muqdisho, isla markaana haddii ay ka baxaan quwadaha shisheeye ee taageera, aanu sii joogi doonin.

Maxamed Kaahin waxa uu sidoo kale ku tilmaamay hadal la yaab leh baaq uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray ururka Al-Shabaab, kaas oo la xidhiidha inay argagixisada la yeeshaan iskaashi dagaal oo ka dhan ah Somaliland.

Dhinaca kale, Maxamed Kaahin ayaa sheegay in qaar ka mid ah dawladaha Carabta ee ka soo horjeeda Somaliland, oo ay Masar ka mid tahay, ay xidhiidh dhow la leeyihiin Israa’iil, taas oo uu ku tilmaamay is-burin siyaasadeed oo muuqata.

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo kordhinaysa fursadaha ictiraafka caalamiga ah, isla markaana ay tahay waddo cusub oo Somaliland u horseedi karta inay gaadho himiladeeda.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in Qaddiyadda Somaliland ay haatan gaadhay Kongareeska Maraykanka, halkaas oo xildhibaanno Maraykan ahi ay soo jeediyeen in Madaxweynaha Maraykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa muujiyay inuu kalsooni buuxda ku qabo shacabka Somaliland, ay sidii hore ugu guulaysteen halgankii dib ula soo noqoshada madaxbannaanidooda, ay mar kale ka adkaan doonaan dagaalka kaga imanaya Soomaaliya iyo dawladaha kale ee la safan.


Loading...
Loading...