"Salel: Ma Jiri Doonto Cid Hub Sidata oo Aan Xukuumadda Ahayn"
Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, oo ka mid ah waftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ee safarka ku jooga gobolka Salel, ayaa sheegay in nabaddii iyo amnigii gobolkaasi ay wakhtigan yihiin kuwo sugan.
Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyey in xaaladda amni ee Salel ay deggen tahay, isla markaana aan la oggolaan doonin in hub lagu dhex wato deegaannada, marka laga reebo laamaha ammaanka ee rasmiga ah.
Isagoo arrintaas ka hadlayey, wuxuu yidhi:
"Amnigii iyo nabaddii way Salel inoo sugan tahay, hadda wixii ka dambeeyana ma jiri doonto cid qori sidata oo aan xukuumadda ahayn.”
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in maamulka iyo laamaha ammaanku ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda nabadda iyo xasiloonida, si loo hubiyo badqabka bulshada iyo joogtaynta amniga gobolka.


0 





