Somaliland oo Wadahadal Ka Bilowday Dhismaha National Parks Waaweyn

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ayaa soo dhaweeyey wefti ka socday African Parks oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka. Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray sidii Somaliland u yeelan lahayd keydyo qaran (National Parks) waaweyn oo lagu ilaaliyo deegaanka, duur-joogta, isla markaana kor loogu qaado dalxiiska.
Sidoo kale, kulanka waxaa qayb ka ahaa hay’adda CCF oo ka shaqaysa xanaanaynta iyo daryeelka harimacadka, taas oo door muhiim ah ka qaadata ilaalinta noocyada duur-joogta ee khatarta ku jira.
Kulankan ayaa muhiim u ah ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, kobcinta dalxiiska, iyo dhisidda iskaashi caalami ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka ee Somaliland.


0 





