Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Ku Laabtay Muqdisho Oo Uu Ka Maqnaa Bil Iyo Badh.

0
Saturday August 03, 2019 - 16:53:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Ku Laabtay Muqdisho Oo Uu Ka Maqnaa Bil Iyo Badh.

    Muqdisho (HWN) Raysal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hogaaminayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (HWN) Raysal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hogaaminayo

oo mudo bil iyo badh ah ugu maqnaa deegaano ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole.

 

Mudadii uu ku maqnaa Raysal Wasaaruhu  deegaano ka tirsan Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas.

 

Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Intii uu joogay raysal wasaaruhu Galmudug ayaa waxaa uu  ku guulaystay in heshiisyo ay la gaadho dawlada Somaliya ururka Ahlu Sunna, heshiiskaasi oo sababay in ciidamada Ahlu Sunna ku biiraan ciidamada dawlada Somaliya

 


Loading...
Loading...