Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Warbaahinta Caalamka Kala Hadlay Saamaynta Aqoonsiga iyo Doorka Dekedda Berbera

Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waraysiyo kala duwan siinayey warbaahinta caalamka, kaddib aqoonsigii ay Somaliland ka heshay dawladda Israa’iil.
Warbaahinta caalamka ayaa si gaar ah indhaha ugu haysa muhiimadda istaraatijiga ah ee Dekedda Berbera, oo ku taalla marin ganacsiyeedka Badda Cas, isla markaana door muhiim ah ka ciyaarta isu-socodka ganacsiga gobolka Geeska Afrika. Warbixino kala duwan ayaa laga diyaarinayaa horumarka dekedda, maalgashiga ka socda, iyo doorka ay ku yeelan karto isbeddellada siyaasadeed ee gobolka.
Maareeyaha ayaa waraysiyo siiyey saxafiyiin ka kala socday jariiradaha caalamiga ah ee Financial Times, Bloomberg, iyo NRC Handelsblad, kuwaas oo su’aalo ka waydiiyey saamaynta aqoonsigu ku yeelan karo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah.
Maareeyuhu waxa uu sheegay in aqoonsigu u furayo Somaliland fursado cusub oo dhinaca iskaashiga caalamiga ah, maalgashiga, iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isaga oo xusay in Dekedda Berbera ay sii noqon doonto xarun ganacsi oo istaraatiji ah oo muhiim u ah gobolka iyo dunidaba.


0 





