Madaxweyne Somaliland Aqoonsi Ma Nasiib Ayaa Mise Karti iyo Dadaal Lagu Gaadhay?

0
Tuesday February 10, 2026 - 20:37:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Somaliland Aqoonsi Ma Nasiib Ayaa Mise Karti iyo Dadaal Lagu Gaadhay?

    Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Somaliland



Wasaaradda Caafimaadka JSL ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu dadaal iyo karti weyn geliyey sidii Jamhuuriyadda Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah, isla markaana aanu ku raacsanayn dadka ku doodaya in arrintaasi ay ku timid nasiib.

 

Wasiirka Caafimaadka JSL ayaa xusay in Madaxweynaha Somaliland uu muddo kooban gudaheed ku bixiyey juhdi badan, isagoo "geed walba u fuulay” sidii qaddiyadda Somaliland ay u gaadhi lahayd heer caalami, taas oo muujinaysa in guushaasi ay tahay mid ku timid hawl, karti iyo dadaal, balse aanay ahayn nasiib.

 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Somaliland aanay cidna cadow u ahayn, balse ay si adag uga jawaabi doonto cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanideeda iyo jiritaankeeda.

 

Wasiirka Caafimaadka JSL ayaa hadalkiisa ku yidhi:

 

"Maanta waxa aynu nahay dal la aqoonsan yahay, mahaddana waxa leh Madaxweynaha JSL oo geed walba u fuulay in aqoonsiga uu ku keeno muddo ka yar sannad. Dad baa yidhaahda Madaxweynaha waa nasiib badan yahay, balse nasiib ma jiro; waa karti iyo dadaal. Somaliland cidna cadow kuma aha, hase yeeshee ciddii nasoo xadgudubta waa lala xisaabtamayaa.”

 

Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka ayaa xusay in Somaliland ay u rajaynayso horumar iyo nabad dhammaan deriskeeda, isla markaana aanay ku faraxsanayn dhibaato kasta oo ku timaadda, balse ay mar walba diyaar u tahay difaaca qaranimada iyo masiirka ummadeeda.


Loading...
Loading...