Ma Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Ayaa U Diyaar Garowday Qorshaha Hawleedka 2026 iyo Hirgelinta Tiknoolojiyad Cusub?

0
Tuesday February 10, 2026 - 20:35:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Ayaa U Diyaar Garowday Qorshaha Hawleedka 2026 iyo Hirgelinta Tiknoolojiyad Cusub?

    Sidoo kale, shirkan waxaa si gaar ah loogu falanqeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, shirkan waxaa si gaar ah loogu falanqeeyey



Jamaal Maxamed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL, ayaa, isaga oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliki Cabdi Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Carab Muuse, maanta shir-guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-Waaxeedyada Wasaaradda.

 

Shirkan oo si joogto ah u qabsooma toddobaadkiiba mar ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta iyo dhaqan-gelinta qorshaha hawleedka sannadka 2026, dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Wasaaradda, iyo qiimaynta software cusub oo ay diyaarisay Waaxda ICT, iyo sidoo kale qorshaha hawl-gelintiisa.

 

Sidoo kale, shirkan waxaa si gaar ah loogu falanqeeyey abaabulka iyo diyaargarowga xafladda abaalmarinta shaqaalaha ugu waxqabadka fiicnaa sannadka 2025, taas oo lagu dhiirrigelinayo hufnaanta iyo dadaalka shaqaalaha Wasaaradda.

 

Dhinaca kale, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay Agaasime-Waaxeedyada, iyaga oo ku ammaanay deddaalka, daacadnimada, iyo hufnaanta ay ku wadaan hawlaha shaqo ee loo igmaday.


Loading...
Loading...