Maayirka Hargeysa Iyo Wefti Ka Socda Golaha Deegaanka Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol ee UK
Cabdikariim Axmed Mooge, Maayirka Caasimadda Hargeysa, iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay magaalada Bristol ee dalka UK, kaddib martiqaad ay ka heleen Tony Dyer, Maayarka Bristol.
Safarkan ayaa muujinaya xidhiidh iyo is-aaminaad sii xoogaysanaysa oo u dhexeeya labada gole deegaan, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi dhinacyada horumarka, wax-wada-qabsiga iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka magaalooyinka.
Intii uu safarku socday, weftiga ka socda Hargeysa waxa ay kulammo la yeesheen waaxyaha kala duwan ee Golaha Deegaanka Bristol, gaar ahaan kuwa xidhiidhka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, iyo maaraynta qashinka, si ay uga faa’iidaystaan waayo-aragnimada iyo nidaamyada horumarsan ee magaalada Bristol.
Maayirka Hargeysa ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay Hibaaq Jama, oo door muuqda ka qaadatay fududaynta iyo hirgelinta safarkan, taas oo suurto-gelisay kulammo miro-dhal ah oo dhex maray labada dhinac.
Gebogebadii, martiqaadkan iyo kulammada la qabtay ayaa lagu tilmaamay tallaabo bilow ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo xidhiidhka mustaqbalka ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Bristol.





![]() |


0 






