Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Berbera, Kana Hadlay Doorka Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha

0
Tuesday February 10, 2026 - 20:25:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Berbera, Kana Hadlay Doorka Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha

    Cali Canter oo la hadlay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Canter oo la hadlay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka



Cali Axmed Cabd (Cali Canter), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Berbera, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey goobaha lagu xanaaneeyo xoolaha iyo xarumaha ay ka hawlgalaan dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha.

 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa indho-indheyn ku sameeyey shaqada ay dhakhaatiirtu ka hayaan daryeelka iyo caafimaadinta xoolaha, gaar ahaan kuwa loo diyaarinayo dhoofinta, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.

 

Cali Canter oo la hadlay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka xoolaha ayaa sheegay in ay hayaan hawl aad u ballaadhan oo qaran, isla markaana ay ka shaqeeyaan masuuliyad culus, inkasta oo aanu weli jirin mushahar ama gunno si buuxda ugu dhiganta shaqada ay qaranka u hayaan.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxaad haysaan hawl aad u ballaadhan oo aanay sahlanayn, waana hawl aad u haysaan qarankiinna. In kasta oo aanu weli jirin dhaqaale idinku filan oo idin kafeeya oo gacanta la idin saaray, haddana waxaad maraysaan marxalado. Waxaan Alle amarkiis ku kalsoonahay in aan idin gaadhsiin doono marxalad aad ku nasataan, kana baxdaan werwerka.”

 

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha, isagoo ballan-qaaday in xukuumaddu ka shaqayn doonto sidii mustaqbalka loo heli lahaa abaalmarin iyo dhaqaale u qalma shaqada ay qaranka u hayaan.

 



Loading...
Loading...