Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL Oo Shaaciyey In Dad Badan Loo Haysto Musuqmaasuq, Qaarna La Xukumay Kuwo Kalena Baxsad Yihiin
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL ayaa sheegay in baadhitaanno xooggan oo ay xafiiskoodu sameeyeen lagu ogaaday dad loo haysto musuqmaasuq iyo lunsi hanti dadweyne, kuwaas oo qaarkood hore loo xukumay, kuwo kalena ay yihiin xukun-sugayaal, halka kuwo kale ay baxsadeen.
Hanti-dhowraha Guud ayaa tilmaamay in baadhitaannadani ay ka socdaan dowladaha hoose, wasaaradaha, iyo hay’adaha madaxbannaan, isla markaana ay weli si rasmi ah u socdaan, isagoo xusay in kiisas badan maray marxalado kala duwan oo sharci ah.
Waxa uu yidhi:
"Waxa jira dad badan oo lunsi hantiyeed loo qabtay oo xukun-sugayaal ah, waxa kale oo jira kuwo hore loo xukumay. Waxa jira dad aan wali Garsoorku nagala wareegin oo eedeyntooda loo gudbiyey Xeer-ilaalinta, sidoo kale waxa jira kuwo baxsad ah oo eedeyntooda la gudbiyey. Baadhitaanku dalka oo dhan ayuu ka socdaa, daraf ilaa daraf.”
Hanti-dhowraha Guud ayaa sidoo kale faahfaahiyey in 23 dowladood hoose, 13 wasaaradood, iyo 7 hay’adood oo madaxbannaan ay haatan ku socdaan baadhitaanno la xiriira lunsiga hantida dadweynaha.
Gebogebadii, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL ayaa adkeeyey in ololahan baadhitaan uu yahay mid lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, laguna ilaalinayo hantida qaranka.


0 





