Hargeysa Oo Lagu Daah-furay Ololaha Tabaruca Dhiig-bixinta ee Heer Qaran
Maanta waxaa magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo si rasmi ah loogu daah-furay ololaha tabaruca dhiig-bixinta ee heer qaran, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Munaasibadda daah-furka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, wasiiro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, guddoomiyayaal heer qaran iyo heer gobol, masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka ah.
Doorka ugu weyn ee munaasibadda waxaa si muuqata uga qaatay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaana hoggaaminayay Dr. Ahmed-wali Daahir Haddi, Agaasimaha Cusbitaalka, oo ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulka sare iyo shaqaalaha cisbitaalka.
Intii ay munaasibaddu socotay, masuuliyiinta kala duwan ee khudbadaha jeediyey ayaa si isku mid ah u adkeeyey muhiimadda ay dhiig-bixintu u leedahay badbaadinta nolosha bini’aadamka, gaar ahaan bukaanada u baahan dhiig-shubis degdeg ah sida hooyooyinka umulaya, carruurta xanuunsan, iyo dadka shilalka kala duwan ku dhaawacma.
Gebogebadii, munaasibadda daah-furka ololahan qaran ee tabaruca dhiig-bixinta ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u xoojinaysa wacyigelinta bulshada, isla markaana door muhiim ah ka qaadan doonta badbaadinta nolosha muwaadiniin badan oo u baahan gargaar degdeg ah.


0 





