Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Furitaanka Seeraha Aroori Maalinta Arbaca
Cumar Shucayb Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri oo Arbaca ah si rasmi ah loo furi doono Seeraha Aroori.
Wasiirka ayaa sheegay in tani ay tahay markii labaad ee xoolaha loo furo Seeraha Aroori muddadii ay wasaaraddu majaraha u haysay, taas oo muujinaysa dadaal lagu badbaadinayo xoolaha iyo reer guuraaga ay abaartu saameysay.
Cumar Shucayb Maxamed ayaa arrintan ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, isagoo xusay in sannadkii 2025 ay Seeraha Aroori ku badbaadeen xoolo gaadhaya 1,500,000 (hal milyan iyo shan boqol oo kun). Waxa kale oo uu tilmaamay in goobta loo diyaariyey dhakhaatiir xoolaha ah iyo waraab ku filan, si loo hubiyo daryeelka xoolaha.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Seeraha Aroori ay isugu iman doonaan kumanaan reer guuraa ah oo ka kala imanaya meelo kala duwan, sidaa darteedna uu ugu baaqay cid kasta oo awoodda u leh inay caawiso dadka abaartu saamaysay, gaar ahaan raashin iyo taakulayn bini’aadannimo, maadaama ay tani tahay fursad keliya oo dad badan hal meel lagu wada heli karo.
Ugu dambayn, Wasiir Cumar Shucayb Maxamed ayaa maamulka Gobolka Togdheer iyo kan Degmada Togdheer ka codsaday inay kala qayb qaataan hawsha furitaanka seeraha, isla markaana ay geeyaan ciidamo ku filan si loo ilaaliyo nabadgelyada dadka iyo xoolahaba.


0 





