Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL oo Maayarada Faray Inay Soo Gudbiyaan Liiska Danta Guud ee La Bixiyey 2024–2025

0
Tuesday February 10, 2026 - 20:15:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL oo Maayarada Faray Inay Soo Gudbiyaan Liiska Danta Guud ee La Bixiyey 2024–2025

    idoo kale, waxa uu maayarada u sheegay in wixii danta guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

idoo kale, waxa uu maayarada u sheegay in wixii danta guud

 


Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL ayaa maayarada dhammaan magaalooyinka dalka ku amray inay diyaariyaan liiska hantida danta guud ah ee la bixiyey labadii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ah 2024 iyo 2025.

Hanti-dhowraha Guud ayaa sheegay in xogtan ay qayb ka tahay baadhitaannada ballaaran ee xafiiskiisu wado sannadka 2026, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dabagalka iyo xaqiijinta sida loo maamulay hantida danta guud.

Sidoo kale, waxa uu maayarada u sheegay in wixii danta guud ah ee ay mustaqbalka bixinayaan ay waajib ku tahay inay si rasmi ah ugu soo wargeliyaan xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

"Maayarada dalka waa inay diyaariyaan dhammaan wixii danta guud ah ee la bixiyey labadii sano ee u dambeeyey, maadaama ay ku jirto baadhista sannadkan 2026. Waxa kale oo aan faraynaa in wixii dan guud ah ee la bixiyo nala soo socodsiiyo,” ayuu yidhi Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.


Loading...
Loading...