Maayar Ku-xigeenka Hargeysa: "Ciyaaraha Lama Siyaasadeeyo, Lamana Qabyaaladeeyo"

0
Sunday February 08, 2026 - 09:39:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Ku-xigeenka Hargeysa: "Ciyaaraha Lama Siyaasadeeyo, Lamana Qabyaaladeeyo"

    "Wax fiican maaha in ciyaaraha la siyaasadeeyo ama la qabyaaladeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax fiican maaha in ciyaaraha la siyaasadeeyo ama la qabyaaladeeyo



Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa sheegay in aanay wax wanaagsan ahayn in la siyaasadeeyo ama la qabyaaladeeyo ciyaaraha Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey in ciyaaruhu yihiin madadaalo iyo isdhexgal bulsho.

Maayar Ku-xigeenka ayaa ka hadlay sababta ay kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa—oo qaaday koobkii horyaalka horyaalada Somaliland—uga baaqatay ka-qaybgalka xafladdii abaalmarinta ciyaartooyda. Waxa uu sheegay in arrintu la xidhiidho tabasho ay kooxdu qabto, taas oo la rajaynayo in si degdeg ah loo xalliyo.

Waxa uu yidhi:

"Wax fiican maaha in ciyaaraha la siyaasadeeyo ama la qabyaaladeeyo. Nagu ma farxad gelinayaan waxyaabaha baraha bulshada lagu kala kiciyo. Sababta kooxdayadu uga maqnaatay xafladdii xalay waa tabasho jirta, waana la xallinayaa.”

Hadalkan ayuu Maayar Ku-xigeenka Hargeysa u sheegay wariye Xamse Cawke.


Loading...
Loading...