Somaliland Diide Siraadka Iftiimaaya,Sacabada Ku Qarin Maayo.Ha Ku Seego Danahiisa,
Bismillaahi AlraxmaanAlraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Sadex Liidleh Calankeena,
Sudhaneen La Rogahaynin.
Sumadiis Quraan Weeye.
Saacad Qudhana Lama Siibo.
Saatirkaa Ilaashanaya,
Sanku Neef Leh Uma Baahna,
Sool Iyo Ninkaas Saylac,
Samaroon Samaw Diidan,
Suufka Iyo Xanjaba Qaatay,
Soomaalilaand Duminta,
Saxeexìi Aqoonsiga,
Subaxii La Maqashiyay,
Suurta Goortii Lagu Yeedhshay,
Socodiyo Dhaqaaq Joogsi,
Seexashiyo Cunaba Seegay.
Suxufiyuuntu Siday Sheegtay,
Saqaha Adhexe Intuu Selelo,
Isagoon Maryaha Sidanin,
Soo Baxa Intuu Cararo,
Suuqyada Su,Alayay,
Soomaalilaan Meeday.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Ismail handuleh <[email protected]>AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





