Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer oo si Rasmi ah Xilalka Isugu Wareejiyay Burco

0
Thursday February 05, 2026 - 14:34:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer oo si Rasmi ah Xilalka Isugu Wareejiyay Burco

    Munaasibadda xil-wareejinta, oo lagu qabtay xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda xil-wareejinta, oo lagu qabtay xarunta


May be an image of one or more people and text


Guddoomiyihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Xasan Caynaanshe, iyo guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Shaafici Nuur Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ula kala wareegay.

Munaasibadda xil-wareejinta, oo lagu qabtay xarunta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee gobollada bari ee magaalada Burco, waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo heer gobol iyo heer degmo ah oo ka tirsan gobolka Togdheer, qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka, salaadiin, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee munaasibadda ka hadlay ayaa dhammaantood adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, iyagoo ku boorriyay in si wadajir ah gacmaha la isugu qabsado horumarinta waxbarashada gobolka Togdheer.

Loading...
Loading...