Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca Golaha Wakiillada oo Kormeer Shaqo ku Tagay Magaalada Berbera

0
Thursday February 05, 2026 - 14:09:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca Golaha Wakiillada oo Kormeer Shaqo ku Tagay Magaalada Berbera

    Intii ay ku sugnaayeen Berbera, Guddidu waxay kulan la yeesheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii ay ku sugnaayeen Berbera, Guddidu waxay kulan la yeesheen


May be an image of one or more people, table and newsroom


Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayo Guddoomiyaha Guddida Mudane Aadan Cismaan Xarbi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay magaalada Berbera.

Intii ay ku sugnaayeen Berbera, Guddidu waxay kulan la yeesheen maamulka Dawladda Hoose ee degmada Berbera, oo uu hoggaaminayay Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, xildhibaanada Golaha Deegaanka, Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta, Agaasimaha Waaxda Maamulka, iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee nabadgelyada degmada, iyo caqabadaha ka jira dhanka fulinta xeerarka maamulka.

Sidoo kale, Dawladda Hoose ee Berbera ayaa Guddida u soo bandhigtay caqabadaha haysta dhinaca diiwaangelinta iyo Xeerka Jinsiyadda, kuwaas oo wax-ka-beddelkooda ay Guddidu hadda gacanta ku hayso.

Loading...
Loading...