Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo Xarun Tamar Cusboonaanaysa ka Dhagax Dhigay Degmada Facawayne (Maydh)

0
Thursday February 05, 2026 - 14:06:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo Xarun Tamar Cusboonaanaysa ka Dhagax Dhigay Degmada Facawayne (Maydh)

    Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa la dardaarmay garab-qaaratada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa la dardaarmay garab-qaaratada


May be an image of one or more people and text


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer gobol iyo heer wasaaradeed ah, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Ceerigaabo, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Facawayne ee hoos timaadda gobolka Maydh.

Masuuliyiintu intii ay ku sugnaayeen degmada Facawayne, waxay si rasmi ah u dhagax-dhigeen Xarun Tamarta Cusboonaanaysa, taas oo lagu xoojinayo helitaanka koronto ku filan oo gaadha magaalada, isla markaana wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa la dardaarmay garab-qaaratada ka shaqaysa macdanta, isagoo nidaamiyey goobaha ay ku hawlgalaan. Wuxuu faray in qalabka shaqada la isugu geeyo hal meel, lana hubiyo in laga fogaado ilaha biyaha iyo biyo-mareennada, si loo ilaaliyo dadka iyo deegaanka, loogana hortago waxyeello mustaqbalka ka dhalan karta.

Loading...
Loading...