Dad ka badan 200 oo qof oo ku dhintay dalka Kongo iyo faah-faahin soo baxaysa

0
Monday February 02, 2026 - 07:38:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ka badan 200 oo qof oo ku dhintay dalka Kongo iyo faah-faahin soo baxaysa

    Xilligii shilkan dhacay, haween iyo carruur ayaa sidoo kale ka shaqaynayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilligii shilkan dhacay, haween iyo carruur ayaa sidoo kale ka shaqaynayay



In ka badan 200 qof ayaa ku dhintay burbur ku yimid goob macdanta laga qado oo ku taalla dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, sida ay sheegeen maamulka kooxaha fallaagada ah ee halkaa gacanta ku haya.


 

Dhulka macadanta laga qado oo ah aagga magaalada Rubaya, ayaa burburay Arbacadii kadib roobab culus, sida uu wariyeyaasha u sheegay Lumumba Kambere Muyisa, afhayeenka guddoomiyaha fallaagada ee gobolka Waqooyiga Kivu. Tirada khasaaraha dhabta ah weli si rasmi ah looma xaqiijin.



 

Xilligii shilkan dhacay, haween iyo carruur ayaa sidoo kale ka shaqaynayay goobta macdanta laga qado.


 

Macdanta halkaas laga qodayay waxay ahayd coltan, oo ah macdan muhiim ah oo loo adeegsado soo saarista qalabka elektarooniga ah sida taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada.


 

Kormeerihii hore ee macdanta ayaa u sheegay BBC in goobta aan si wanaagsan loo dayactirin, taasoo kordhisay halista shilalka.


 

Wuxuu kaloo sheegay in dayactir la’aanta awgeed ay jiraan caqabado badan oo ku saabsan howlaha gargaarka iyo samatabbixinta marka shil dhaco.

Loading...
Loading...