Soomaali Magaceeda In Subaalad Lagu Sheego,Sababteeda Yaa Keenay,Sumcadeeda Ceebeeyay,
Soomaali Magaceeda In Subaalad Lagu Sheego,Sababteeda Yaa Keenay,Sumcadeeda Ceebeeyay, Socdaalkaga,Sacabada Aad Hoos Dhigato,Saameeyay Dunido Dhan,Saska Umiyuhu Qaaday.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim, [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Saboolnimadu Ceeb Ma Ha,
Samirkaana Wehelkeed Ah.
2-Sirta Cadawga Lama Siiyo,
Sumcadaadu Waa Sharfta.
3-Sacabada Ha Hoos Dhigan,
Saluug Ruuxa Kuu Muujay.
4-Sababteeda Eebbaa Leh,
Qofku Wuxu Ku Siinaayo.
5-Sare Ruuxa Kuu Eega,
Saraysii Jawaabtiisa.
6‐Sad Haddu Ku Soo Modo,
Sooryee Karaankaaga.
7- Samo Sidad Ku Gaadhayso,
Sankuneefle Haw Dhiiban.
8-Soomaali Kala Socotay,
Seerahooda Kala Otay.
9-Isu Soo Sasabidooda,
Sabalaynta Benbena.
10-Suurtoobi Maysoo,
Somalilaand Diide.
11-Sahal Loogu Tegimayo,
Dibna Looga Sugimayo.
12-Saranser Waxaa Keena,
Sahan Xumida Soyaalka.
13-Sargoyadiyo Seeskeeda,
Sidii Loo Dhigay Noqotay.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





