Xuubcaariyo Gurguurtii,Xaasidnimada Awgeed,Xamar Nooga Hiishe,Noosoo Jaray Xidhiidhkow,Waan Idiin Xasuusnaan.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim
A.S.C.W.R.W.B
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasheeda.
1-Xumaantay Sameeyeen,
Xaraaradeena Kiciyoo,
Xaqeenay Iftiinsheen.
2-Xayiraad Hawada Saare,
Xagkastaba Inaga Oode,
Xanaaqeena Yaa Shiday.
3-Xidhiidhkeena Yaa Jaray,
Xayraankeenii Ii-Fiisada,
Xamze Sool Ayaa U Diry.
4-Xanuunka Iyo Kulalkaad,
Xornimada Dareentaaye,
Xasil Been Ah Laga Roon.
5-Xadhigii Goynay Koowaad,
Xusuladaan Banaanaaday,
Xareediiba Soo Uraysuun.
6-Xisaabaha Inoo Hadhayse,
Xadigay Ka Badan Yahiine,
Xeeladiyo Tab Iyo Xoogba.
7-Xukuumada Ku Garab Gala,
Xuduudkii Adkayso Xidhane,
Xagna Looga Baqan Maayo.
8-Xaggeenan Gudaha Hoosaa,
Xashiish Badani Buuxaayoo,
Xaadhitaan Inaga Mudan.
Ismail Abdulla Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





