Godkii Carabi ku dhacday 1922 ka digtoonaw.

0
Saturday January 31, 2026 - 09:34:48 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Godkii Carabi ku dhacday 1922 ka digtoonaw.

    Dhianca kale waxa uu odhanayaa markii khilaafadoodii dhacday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhianca kale waxa uu odhanayaa markii khilaafadoodii dhacday...

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Lorance ninkii qaatay mashruucii Carab iyo Cusmaaniyiinta la is’kaga horkeenayay, waxa uu yidhi waxaan dareemay in aan gacanta ku hayo biyo mareenkii dawlada Cusmaaniyiinta ee isku xidhayay Carabta iyo dawladoodii Cusmaaniyiinta, markaan hantiyay qarxintii iyo goyntii Tareenkii isku xidhayay Istaabuul iyo Madiina Magaaladii Nabigeena Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee. Markaanu dariiqaa qarxinay waxaanu goynay biyo mareenkaasi.

Dhinaca kale taariikh baadhaha Donsen ee Ingiriis waxa uu yidhi. Haddii aanay carab ka hor iman khilaafadoodii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo khiyaamadii reer galbeedka ee ahaa balan qaadyo aan loo fulin markii dambe ee ay kala jareen labada magaalo may dhacdeen dawladii Cusmaaniyiintu.

Dhianca kale waxa uu odhanayaa markii khilaafadoodii dhacday heshiisyadii lagu siray ee loo balan qaaday ka dib marka la burburiyo dawlada Cusmaaniyiinta dawlad baa la idiin dhisayaa waa laga baxay, waana la gumaystay, Carab waxay arrintaasi ugu kacday qiimo badan oo ah naftooda iyo dhulkooda.

Nabigu Wuxuu yidhi Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee 1440 sano ka hor sheegay "hogaamiyuhu waa gaashaan dadka ayaa ka daba dagaalama, oo magan gala” Muslim. Macnuhu waa in haddii hogaamiyaha wanaagsan la raaco in la guulaysanayo aduun iyo aakhiro haddii laga baydho hogaamiyaha wanaagsan in la duloobayo sida Carab ku dhacday dawladoodii ilaa gumaysi iyo dulayn dheer.

Sidaasi oo kale Somaliland heshiis kasta oo ay cid la galayso ha digtoonaato, digtooni xeel-dheer oo ka fog caadifadii Xamar ina gaysay oo kale in inagoo cid ka ordayna god dheer ku dhacnay maantana waa in inaga oo cid ka ordayna aynaan god kale ku dhicin. Waa in wax kasta laga doodi karaa oo miisaanka la saari karaa dhinaca heshiisyada weeyaan halka doodu taalaa maaha ictiraafka.

Ugu dambayn Quraanku waxa uu inoo sheegay in gaalo oo Yuhuud u horayso ayna balan lahayn intaas oo jeer waa in quraanka aan dhuganaa iyo hadalka ilaahay wixii macaamil aduunyo ahi waa in looga qiil eegaa axkaamta fiqiga, basle wixii mabaadi ah iyo in ay kula soo dagaan waa halis iyo mas aad mooska soo dhiganay sida taarikhda ku cad jaarkeena taariikhdu waa cashar.

Xiagasho Maalik Bashiir

Ahmed Ali Kahin <[email protected]>


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...