Booqashadii Alsadat ee Dalka Israel 1977-kii.

0
Friday January 30, 2026 - 15:49:23 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Booqashadii Alsadat ee Dalka Israel 1977-kii.

    Taariikhdu way socotaa, go'aankuna mar walba wuu ka horreeyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhdu way socotaa, go'aankuna mar walba wuu ka horreeyaa

Cashar Taariikheed,
Diin iyo Aragti Siyaasadeed
Sannadkii 1977-kii.

booqashadii Madaxweyne Anwar Al-Saadaat ee Jamhuuriyadda Masar ku tagay Tel Aviv (Israel) waxay dhalisay dhul-gariir siyaasadeed iyo mid bulsho oo baahsan, kana dhacay dunida Carabta, Islaamka, iyo dalalka Afrika.


Markaas kaliya ma ahayn diidmo siyaasadeed, balse arrintu waxay gashay weji diimeed,
halkaas oo wadaaddo iyo culimo badan ay arrinta u adeegsadeen diin, iyagoo ku eedeeyay Anwar Al-Saadaat khiyaano, gaaloobid, iyo xad-gudub ka dhan ah qiyamka Carabta iyo Islaamka,
isla markaana ku tilmaamay inuu ka baxay dariiqii saxda ahaa.

Si la mid ah xaaladda maanta taagan, qayladaas diimeed iyo mid siyaasadeed waxay ka horraysay fahamka dhabta ah ee go’aanka la qaatay ee Somaliland qaadatay.

Muddo kadib, dunidii Carabta iyo Islaamkuba way wada ogaadeen in Anwar Al-Saadaat uusan ku dhaqaaqin go’aankaas dano shakhsi ah ama caqiido-beddel, balse uu ku salaysnaa aragti qaran,
xisaab istaraatijiyadeed, iyo dan uu u arkayay mustaqbalka Masar.

Maanta, ictiraafka Israel ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku socdaa dariiq la mid ah kii taariikhdu hore u soo martay.

Qaar badan oo ka mid ah dunida Islaamka iyo dalalka Carabta ayaa arrintan u wajihi kara si diimeed iyo dareen ku dhisan, iyagoo ku degdegaya cambaarayn, balse aan lahayn awood ama saamayn ay ku beddelaan go’aannada waaweyn ee siyaasadda ee caalamka.

Casharka taariikhdu ina baray waa mid cad:
marka hore waa la qayliyaa, waa la cambaareeyaa, diinna waa la adeegsadaa; balse marka waqtigu hadlo, xaqiiqda ayaa is muujisa.

Go’aamada waaweyn waxa qaata kuwa aragti fog leh,
halka inta kale ay ka daba fahmaan marka wakhti ka soo wareego.

Taariikhdu way socotaa, go’aankuna mar walba wuu ka horreeyaa oggolaanshaha.

Go'aanka Somaliland waa mid taariikhiya oo siyaasadeed dunidu wax ka baran doonto, laakiin iminka aanay fahmi karin.



Qalinkii: Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...