Madaxweyne Kolenal Caare Ayaa Lagu Mashquulay, Balse Colenal Giirre Ayaa Gobolada Galbeedka Dhawaan Ka Baxay.

0
Saturday August 03, 2019 - 09:09:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kolenal Caare Ayaa Lagu Mashquulay, Balse Colenal Giirre Ayaa Gobolada Galbeedka Dhawaan Ka Baxay.

    Madaxweyne ummada reer somaliland intii kuu codaysay iyo intii kaa codaysayba adiga ayaa Madaxweyne u ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ummada reer somaliland intii kuu codaysay iyo intii kaa codaysayba adiga ayaa Madaxweyne u ah
,ilaahayna wuu kaala xisaabtamayaa xilkaasi,ummada xil ma deeqo lkn waxa deeqaa waa caddaalad, caddaaladaasina

Waa mid loo baahanyahay in hoos loo daadajiyo oo ay helaan bulshadu meelmasta oo ay ku nooshahay,dalka Gudihiisa,dad badan ayaa hogaamintaada ka filaayey in ay noqoto mid ka warhaysa deegaankasta oo dalka ka mid ah,markii aad kursiga ugu sarreeya ku fadhiisatay,


Dadku waxay Muddo dheer ku soo jireen,Xukuumaddii uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweynihii kaa horreeyey,Mudane Axmed Maxamed Maxamud(siilaanyo) oo bulshadu ku dhaliili jirtay in Shaqsiyaad xukuumaddiisa ka tirsani ay awooddiisa isticmaali jirtay,waxa xusid mudan dardaarankii uu kuu soo jeediyey Madaxweynihii hore Mudane Daahir rayaale kaahin, wuxuu kuu soo jeediyey in aad la tashiga badisid,go'aanka u dambeeyana aad adigu qaadato, waxa uu ku soo gunaanaday, Awoodahaaga yaan cidkale kula isticmaalin,ama magacaaga yaan cid kale ku shaqeysanin,

Waxad moodaa in aad baalmartay tallooyin badan oo haldoorka reer somaliland kuu soo jeedisay,kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa
1,in aad dhageysatid tabashooyinka bulshada, 2 in aad la tashato haldoorka ama labeenta bulsha, 3 in aan Magacaaga iyo awoodahaaga cid kale isticmaalin,

Maanta xaaladda dalku marayo waynu ka wada dheregsanahay, Muddadii koobnayd ee aad Madaxweynaha ahayd in Qaybo baban oo dalka ka mid ah oo horey gacanta xukuumadda ku jirtay in ay ka sii baxayso, marka laga yimaado sanaag bari
Maanta Sanaag galbeed xaaladdeedu halka ay maraysaa waa meel aan fiicnayn,

Waxa aynu maqleynaa in beeshii dhexe qaybo ka mid ahi ay maanta ku dhawaaqayaan, waxanu doonaynaa Somaliland la wada leeyahay,

Waxa Madaxweyne lagugu dhaliilaa in Xukuumaddaada ay ka muuqato ku xidhnaansho la'aan xaga bulshada,
Golihii xukuumaddaadu waxay noqdeen kuwo aan kasban karin kalsoonida shacabka,
Waxay dadka intiisa badani ay Aaminsanyihiin in Taladaadii ay ku soo Ururtay Miletery,cidda kuugu dhow ee aad wax ka qaadataana ay noqotay,Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sarreeye Guud,

General Nuux ismaciil taani iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Colenal Maxamed Kahin,
Labadan Masuul oo ah Nus dambeedkaaga ayaa noqday kuwo aan la mahadin Taladooda,
Waxaynu ognahay Sida goboladii Bari ay gacanta xukuumadda uga sii baxayaan,
Balse waxa iyana jirta guux ka jira Goboladdii galbeeda ee Caasimadda u dhawaa,
Waxan shaki ku jirin in Gobolkii Gabiley ee aad ka soo jeeday in kalsoonidii bulshadu ku qabtay xukuumaddaadu uu ay sii yaraanayso,

Waxana sobob u ah Wasaaraddii Arimaha Gudaha iyo Wasaaraddii Gaashaandhiga oo isku milmay,
Dowladihii hoose ee dalka oo la garan laayahay cidda xukunta,Mayorro mediyaha ka caytamaaya, waxa si gaar ah farta loogu fiiqayaa Muddooyinkan dambe Degmooyin ka mid ah Gobolka Gabiley in si dadban Maamulkooda uu Madaxweynuhu ugu wareejiyey Taliyaha guud ee ciidanka Qaranka,sida Degmooyinka Gabiley iyo Togwajaale,

Waxaynu ka warqabney khilaafkii baryahan u dhexeeyey Golaha deegaanka Gabiley iyo Mayorkooda,waxana khilaafkaasi qayb ka ahaa Taliy Nuux,

Waxa iyana aan shaki ku jirin Maamulka Degmadda Togwajaale oo Bulshada Deegaankaasi ay kor iyo hoosba ugaga Cawdeen Maamul xumada,Tacaddiga bulshada lagu hayo,iyo Musuq-Maasuqa xadhkaha goostay, Wasaaradda Arimaha Gudaha,in uu si toos ah u soo farogeliyey Taliye Nuux, oo adeer dhow u ah G/xigeenka degmada Mr Muras Nuux oo Sida uu doono bulshada Ula dhaqma, kuna

Cabsi galiya bulshada Genenka birrta ma i maqleysaa, isagoo ula jeeda Nuux tani,

Hadaba Madaxweyne Bulshada Degmada Togwajale way ka dharagsantahay in aad Arinta Maamulka Togwajaale aad u xilsaaratay Taliye Nuux,  cabbudhinta,cagajugleynta bulshada lagu hayaana waxay gaadhey heerkii ugu sarreeyey,waxad ogtahay halka ay Marayso tabashadii Kolneyl Caare in ay somaliland Horumarkeedii ay wiiqday,

Waxan kuu soo jeedinayaa in aad sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabatid xaaladda Maamul xumo ee Wajaale ka taagan,
Haddii kale Caare ayaad ka yaaban tahee,
Kolenyl Giirre Maalin dhow Filo
By colenal Giirre
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...