Hunguri Wed Ma Arko!!!
Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah ragaadiyayaasha horumarka,
noloshu wey dhammaanaysaa qofkuna wuxuu
hortagi doonaa rabbi swt, xikmad soomaaliyeed ayaa tidhaa " Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dilaacaa” , runtu waa wehelka
geesiga horumarkuna kuma yimaado been iyo borobogaandho beentu waa wehelka dib
u dhaca "Backwardness”. Dunida aynu nidhaa way horumareen waxay heleen
madax ka koray waxay inta badan madaxdeenu ku habsaameen waa musuqmaasuqee.
Saaxiibaday marwo Yaasmiin Aw Axmed Faahiye oo aanu kawad qalin jabiney University of Dar es Salaam (Tanzania) sannadka waxba sheegi
maayee ayaa habeen aanu ku kulanay xafladii madaxtooyada ee xuska 28 guuradii
madaxbannaanida waxay igu tidhi "noloshu
waa dawladnimada, dawladnimaduna waa karti iyo dadaal ay daacadnimadu saldhig u
tahay” haddaba dalkeena hooyo maxaa kii meel loo dhiibaba xumeynaya, maxaa
madaxda dunida saddexaad gaar ahaan soomaalida jeclaysiiyey xatooyada xoolaha
dadkooda silica iyo saxariirku la dariska noqdeen laga soo ururiyey. Haddalku
yaanu ila fogaanine aan u soo noqdo qormadaydan.
Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiye
Uurkaaga uun dhereg la doon waa allow sahale
U adkayso gaajada masuul aayo laad noqone
Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Irsiqaaga Eebaa hayee axanka hays dhaafin
Hoddan Maxamed Ibraahim "Hodan Burco”
Masters of Political Leadership at University DeraSalam Tanzania
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...