DEG DEG UK oo soo saartay sharci cusub oo quseeya muwaadiniinta British-ka ah ee haysta dhalasho labaad
Haddii qofku yahay muwaadin British ah, balse u safrayo UK
Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK (Home Office) ayaa soo saaray sharci cusub oo wax ka beddelaya nidaamkii hore ee u oggolaanayay muwaadiniin badan oo British ah in ay si caqabad la’aan ah ugu safraan UK iyaga oo isticmaalaya passport-kooda labaad.
Sharcigan cusub wuxuu dhaqan gelayaa 25 Febraayo 2026. Laga bilaabo taariikhdaas, qof kasta oo u safraya UK waxaa waajib ku noqonaya inuu haysto Visa rasmi ah, ama ruqsadda ETA (Electronic Travel Authorisation) oo online ah.
Haddii qofku yahay muwaadin British ah, balse u safrayo UK isagoo wata passport kale (tusaale: USA, Canada, Australia, EU iwm kuwaas oo waajib looga dhigay in ay wataan ruqsadda ETA, qofkaasi Looma oggolaan doono inuu online-ka ka dalbado ETA, sababtoo ah system-ka ayaa diidaya marka la ogaado inuu yahay British.
Sidaa darteed; Qofkaasi haddii uusan wadan Passport British ah, waxaa u furan in uu wato shahaadada COE (Certificate of Entitlement) oo ah warqad lagu dhajiyo passport-ka, taas oo caddeyneysa in qofku yahay muwaadin British ah ama uu xaq u leeyahay inuu galo ama ku noolaado visa la’aan UK.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa mas’uul ka ah hubinta dukumentiyada safarka ka hor inta aan la raacin diyaaradda, waana laguu diidi karaa in aad gasho UK, haddii aad tahay British, balse aadan wadan, Passport British ah, ama COE sax ah.

Loading...
Loading...

0 