Booraanta Muwaawinada iyo Biyo la'aanta Hargeisa.

0
Wednesday January 21, 2026 - 09:27:46 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booraanta Muwaawinada iyo Biyo la'aanta Hargeisa.

    Markii la soo gaadhay bilaw 1969-1980 iyada oo ay is'kaa-shanayaan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii la soo gaadhay bilaw 1969-1980 iyada oo ay is'kaa-shanayaan...

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Ceelka Hargeisa oo ahaa goobtii ay ka aas-aasantay caasimada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ahaa isha ay bulshadu biyaha ka cabto waagaas, ceela-shaasi oo biyo macaan oo nadiifa lahaa balse markii ay bilaabantay deegaanta magaalku caasimadu waxa isbadal ku dhacay tayadii, iyo bad-qabkii iyo isku halayntii caafimaad ahaan in bulshadu biyaha ay cabto iyada oo ay jirto dikhaw iyo dhibaato ay magaaladu qashinkeedu gaadhay ceelashii taasi oo yeelatay saamayn caafimaad oo togan kuna beegnay 1960-1970.

Markii la soo gaadhay bilaw 1969-1980 iyada oo ay is’kaa-shanayaan dawladii waagaas iyo ta shiinuhu waxa la sameeyay cilmi baadhis biyaha oogada hoose ee dhulka taasi oo aquifers xaddi badan oo biyo ah hayay laga helay deegaanka geed-deeble iyo biyo shiinaha sidaasi ayaa lagu hirgaliyay bilawgii 1970 markii u horaysay ee dawlada hoose ee Hargeisa biyo bixiso taasi oo ceelashii la qoday, biyo balaadhin, iyo kaydadkii oo la sameeyay.

Haddana 1986-1988 waxaa la sameeyay biyo balaadhintii labaad taasi oo lagu daray ceelal cusub iyo goob labaad oo biyo soo tuurid ah waxay qaadatay muddo ka ayr laba sanadood iyo maaliyad kooban oo ta hadda ku baxday biyaha aan laba ag-dhigi karin waana balaadhinta maanta Hargeisi wali ka cabto oo aan wax buuran lagu darin

Burburkii iyo dib u habayntii biyaha. (1990-2000)

Intii dagaaladu socdee iyo wixii ka dambeeyay Kaaba-yaasha biyo soo-saarka waxa gaadhay dhaawac iyo dhibaato la lamaan tahay hawl-gudsho xumo iyo wax-qabad liita oo saameeyay biyo balaadhinta Hargeisa taasi oo ay barbar socoto in bulshadu si xawli ah u sii badanayso dhismayaasha kala duwan iyo baahida biyo loo qabona aad u sii korodhay. Nidaamka biyaha gaadhsiiya awoodiisu waxay ahayd tii dalka laga qaxay ilaa 2000.

Mashruuca Casriyaynta biyaha magaalada Hargeisa (HUWSUP) oo ahaa (2012-2018) taasi oo ceelal cusub la dhisay iyo qaab balaadhin ah nidaamka gaadhsiinaya magaalada oo qaybo muhim ah la gaadhsiiyay oo cusub lana socota kaydadka biyaha waxa mashruucan gacanta ku haysay oo fulisay hay’ada UN-habitat iyo Wasaarada biyaha ee Somaliland.

Deeqaha Hay’aduhu soo gaadhsiiyay Wakaalada kana taageertay dhinaca farsamo iyo maaliyadeed waasida

·1.Midawga Yurub (EU), 2. SDF, 3. UN-Habibt, 4. Bangiga horumarinta Jarmalka (KFW).5. Dawlada Somliland ee kala dambeeyay. Midawga Yurub wuxuu bixiyay in ka badan (15 milyan Euro). SDF waxay galiyeen ($8.5). wax barbar socday qayb kale oo biyaha lagu balaadhinayo oo ah (9.5 million). Sida xogaha qaar sheegayaan ayna xuseen xisbiyada mucaaradku in ay ku dhawdahay lacagta biyaha la galiyay 70 million oo dollar ka maraykanka ah.

·Waxa jira deeqo lacageed oo ay bixiyeen sida shirkado Coca-Cola Foundation iyo lacag ku baxday dhaamka oo la sheegay isha ay ka timid balse bulshada aan loo sheegin lacagtaasi siday ku baxday taasi oo su’aalo badan ka dhex abuurta bulshada oo ku saabsan xadiga lacagta iyo dhaamku in ay isleeyihiin taasi oo ay ka jawaabi karaan gudi baadhiseed.

·Balse xog rasmi ah oo wakaaladu ilaa hadda si waafaqsan faafinta xogaha ee xisaabaadka lamay waddaagin bulshada oo xaq u leh in ay ogaado cashuurtooda iyo deeqaha soo gaadha sida loo maamulay.

·Waa halka Su’aasha ugu wayni taalo oo ah daah-furnaan iyo isla xisaabtan is hagaaya oo ka baxsan ban-dhigyo warbaahineed iyo xaflado waawayn oo la qabto iyo in qaar hantiilayaal ahi ku baarigaan oo iyaduna leh dhibaato leh in aad dawlada iyo ganacsatadu ay waddaagaan go’aanada masiiriga ah ee bulshada ka go’aan qaadashadeeda nidaamka dawliga ah in qof suuqa joogaa saamayn yeeshaa waa dhibaato dhawaan dhalad ah oo ugub cusub ah. Waana wixii baabiiyay dalka Panama.

Haddaba nidaamka dawladnimo ee Public Adminstrion wuxuu ku waajibinayaa in masuuliyiinta dawlada in ay sharaxaan, Sababeeyaan, masuuliyadana qaatan dhamaan ficiladooda, go’aamadooda iyo siday ugu isticmaaleen khayraadka umada adeeg-bixinta iyada oo la kormeerayo.

Haddaba meesha ku dhawaad gashay lacag aan ilaa hadda xog-rasmiya laga hayn balse xisbiyada mucaaradku soo ururiyeen iyo ta hay’ado qaar xuseen. In toban sanadood la sugo biyo lacagtaasi ku baxday, ma dhiig bax umadeed baa mise waa adeeg soo socda oo la dhawraayo. Dhaqaalaha marka laga hadlaayo waxaa la yidhaa marka lagu dhereriyo, biyaha Hargeisa marka lagu dhereriyo kii shiinuhu sameeyeen. Waxay noqonaysaa wax aan laba fahmi karin. Jawaabteeduna waxay u taalaa wakaalada.

Mashruuca waxa ugu muhiimsan wakhtiga haddii aan ku idhaah wadaan kuu dhisayaa balse waa 15 sano ka dib, kaasi mashruuc maaha ee magac kale haloo bixiyo. Macmiilku waa in uu adeeg helaa marka uu u baahan yahay, maaha waan soo wadaa adeegii.

Hadda ba isla xisaabtanku waa masuuliyada uu adeegaha bulsho, uu uga jawaabo dadkiisa uu u adeegayo ficiladiis iyo go’aamadiisa si sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale sharciga isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, iyo ban-yaalnimada la quraaraday ee habka iyo hanaanka maamulka maaliyadeed ee la xisaabtanka madadu macnaheedu waa " sharci iyo damiir ahaan waa waajib ku ah maamulayaasha maaliyadeed ee masuulka ka ah kharashaadka in ay si xil-kasnimo ah uga warbixiyaan kharashaadka sida loo soo ururiyay maaliyadaasi iyo sida loo isticmaalayba, iyo in laga jawaabo wax kasta oo su’aalo laga keeno kuna saabsan qaab istimaalka iyo waxqabadka loo isticmaalay. Haddaba xisaabi xil ma leh waa in Wakaaladu ay keentaa qaabka kharashaadka biyo balaadhinta gole loo dhan yahay si umadu mashruucan uga jaahil baxdo kii faanoole.

Lagama hadlaayo mashruuc dhibaato soo gaadhay ama dhibaato bilaabmaysa waxaan ka hadlaynaa mashruuc huursanaa ku dhawaad intii dalka lagu soo noqday haddana isku badalay nabar in uu qarxo uun la sugaayo haddii uu fashilmo sidii mashaariicdii kale ee dalka ka dhacay.

Sidaa awgeed bulshadu waxay xiisaynasaa in uu muuqdo doorka xisaabaadka qaranka iyo hanti-dhawrku ku leeyahay taasi oo la ogaanayo isticmaalka, saxnaanta xisaabeed, daah-furnaatan iyo qaabka loo maro bixinta mashaariicda oo ay ku ladhan tahay hanti-dhawrid iyo kormeer awood maamul oo ka saraysa maamulka wakaalada.

Maamulka waxa lagu cabiraa laba shay oo kala ah internal gudaha wakaalada iyo External dibada waxaalada waxaan kala matala, gudaha shaqaalaha iyo macmiilka siday u arkaan gudaha wakaalada oo haddda aan dhaafayo iyo dibada oo macmiilka ah oo qaarna wali biyo dhawrayaan kuwii helaayayna intaas oo jeer lagu kordhiayay qiimaha oo ay dheer tahay lacagta biyo galinta oo qaali ah dadka qaarna awoodin. Sawirka ugu fiican labadaasi baa ina siin karan. taana waxaan u dhaafayaa dadka u dhuun daloola xaalada shaqaalaha wakaalada oo xog badan haya. Waa astaan muujinaysa heerka maamul ee wakaalada.

Haddaba dhibaatada wakaalada ka haysataa in ay biyo keentaa ma arrimo maamulbaa mise waa arrimo farsamo mise waa mid dhaqaale? Balse arinta xiisaha leh waa in waxaalada oo dabaal deg iyo ban-dhigyo warbaahineed iyo xaflado waawayn oo heerkooda la dhaafiyay maaliyad badanina ku baxday ku jirta dabaal-deg joogta ah.

Gunaanadkii Maadaama maaliyadad badan ku maqan tahay mashruuca biyo balaadhinta walina biyo lahayn ma waxa nqotay "booraantan ama xabaasashan maaliyadeed ee mid dibadeed iyo gudaba qaranku ku dhiig baxay” In bulshadu biyo nadiifa oo ku filan hesho in hadda loo rogay mashruuc lacag bulsahda ku soo darsada la yidhi.

Wakaaladu waa hay’ad u dhaqanta sida shirkadaha haddii shirkadu ku tidhaa adeegaan kuu qabanayo waa in aad maaliyad ku soo darsataa waa aqoon aynaan gaadhin ama intii aanu naqaanay dhaaftay. Waana su’aalo waawayn oo dul hoganaaya wakaalada in ay ka jawaabtana looga fadhiyo hadda ama mustaqbalka iyo Xisaabi Xil maleh masuul ee dadkaaga qanci adoo mudan oo raaliya.……………..

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

Ahmed Ali Kahin <[email protected]>


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...