Laascaanood istiraatiijiyad, kheyraad iyo dhaqaale midna Somaliland uma laha.

0
Tuesday January 20, 2026 - 09:27:45 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood istiraatiijiyad, kheyraad iyo dhaqaale midna Somaliland uma laha.

    Miisaanka Dhabta ah ee Istiraatiijiyad,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miisaanka Dhabta ah ee Istiraatiijiyad,

Qalinkii: Cali Biixi

Laascaanood iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland.

Somaliland iyo
Laascaanood:


Miisaanka Dhabta ah ee Istiraatiijiyad,
Dhaqaale,
Siyaasad
iyo kheyraad.

Laascaanood miisan dhab ah
Ma kuu leedahay Somaliland

Laascaanood waa magaalo la buun-buuniyay oo doodda siyaasadeed la geliyay
, balse ka fog miisaanka dhabta ah ee istiraatiijiyad, kheyraad iyo dhaqaale.

Qiiro badan baa laga huriyey,
hadal kululna waa lagu dhex tuuray, hase yeeshee marka miiska la saaro xisaabta qaranka,
xaqiiqadu waa mid ka duwan sawirka la buunbuuniyey.

Marka hore, istiraatiijiyad ahaan, Laascaanood ma aha marin badeed, ma aha xudun ganacsi oo caalami ah,
mana aha xarun isku xidhta dhaqdhaqaaq dhaqaale oo heer gobol ama caalami ah.

Saameynteeda juqraafiyeed waxay ku koobantahay deegaan xaddidan, mana laha miisaan la mid ah dekedaha, xuduudaha ganacsiga,
ama
xarumaha dhaqaalaha ee Somaliland.

Marka labaad, kheyraad ahaan, Laascaanood lagama diiwaan gelin kheyraad dabiici ah oo waaweyn,
sida shidaal, macdan,
ama wax-soo-saar istiraatiiji ah,
kuwaas oo wax ka beddeli kara mustaqbalka dhaqaale ee Somaliland.

Dhaqaalaha ka jira waa mid ku tiirsan adeegyo kooban oo aan ku gilayn nolol
-maalmeedkooda,
halkii uu ka ahaan lahaa il wax-soo-saar qaran.

Marka saddexaad, dhaqaale ahaan, xaqiiqadu waa in Laascaanood aanay ahayn gobol iskiis isu maamuli kara.

Canshuurta laga ururiyo gobolada kale ee Somaliland ayaa inta badan lagu kabaa adeegyada Laascaanood.

Sidaas darteed, doodda ku saabsan in Laascaanood tahay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland
ma aha mid ku dhisan tiro iyo xaqiiqo.

Haddaba,
haddii Laascaanood maqnaato, ictiraafka Somaliland si dhab ah wax weyn uguma dhimi karto.

Ictiraafku wuxuu ku dhisan yahay istiraatiijiyada ay Somaliland ku taalo ee Badda cas ee Baan Almandan iyo
adkeysi siyaasadeed, xasilooni hay’adeed, doorashooyin, iyo awood maamul oo muuqata,
ma aha hal magaalo oo keliya oo maqan waxba u noqon mayso.

Taariikhda duniduna marar badan ayay caddeysay in dawladnimadu ka weyn tahay xuduud magaalo.

Dhanka kale, haddii Laascaanood ku soo noqoto Somaliland, faa’iidada ugu weyn ma aha mid dhaqaale
ama kheyraad ah ama istiraatiijiyad ah
, balse waa mid siyaasadeed iyo bulsho:
xasilooni,
wada noolaansho, iyo in la xidho bog furan oo muran ah.

Taasi waxay sare u qaadi kartaa sawirka Somaliland ee ah dal xallin kara khilaafaadkiisa si nabad ah.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood waxay u muuqatay xummad jebin siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd xal waara.

Waxay ahayd isku day lagu daboolayo fashil siyaasadeed oo ururay intii uu xilka hayay,
laguna raadinayay guul muuqaal ah oo degdeg ah.

Hadal kiisana waxa uu si cad u muujiyay in Laascaanood, haddii ay doonayso maamul goboleed,
ay u baahan tahay gobol kale,
taas oo ah qirasho muujinaysa tabar-darrida is-maamul dhaqaale iyo hay’adeed iyo istiraatiijiyadeed.

Xaqiiqada kale ee hortaala
Reer Laascaanood ay colaad iyo khilaafyo is-daba-joog ah: waxay la coloobeen xukuumadda iyo bulshada Somaliland.

Waxayna sidoo kale la galeen is-faham la’aan Puntland iyo kala fogaansho
oo gacan weyn ka geysatay, maal iyo maamulba gelisay Laascaanood.

Ugu dambayntiina, waxay xulafo la noqdeen meel ka fog,
oo diyaarad loo raaco, taas oo ka fog baahiyaha dhabta ah ee nolol-maalmeedka bulshada reer Laascaanood.
Meesha ay Laascaanood ku taalla,
Waxay u dhaxaysaa jamhiuriyada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Gunaanadkii:

Laascaanood waa magac weyn oo dood weyn leh, balse miisaankiisu ma gaadhsiisna sawirka la isku dayay in lagu dhiso.

Mustaqbalka Somaliland wuxuu ku dhisan yahay istiraatiijiyad, xasilooni, dimuqraadiyad, iyo maamul shaqeeya,
intaas ayaana ah furaha ictiraaf, horumar iyo karaamo qaran.

Laascaanood waa bog ka mid ah buuggaas,
balse ma aha buugga oo dhan.

Qalinkii: Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...