Xidiga Sadio Mane oo ku hantiyey Abaalmari=nta Xidiigii ugu wanaagsanaa ee Tatanka AFCON2 025
Xulka Senegal ayaa guusha ku hantiyay 1-0 ay kaga badiyeen Morocco
Xulka Senegal ayaa guusha ku hantiyay 1-0 ay kaga badiyeen Morocco kulankii final-ka ee xalay ka dhacay garoonka Prince Moulay Abdellah ee magaalada Rabat. Ciyaarta oo 90-kii daqiiqo ku dhammaatay 0-0, ayaa waxaa lagu daray waqti dheeri ah, halkaas oo Pape Gueye uu ku dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 94-aad.
Kulankii xalay ayaa ahaa mid uu hadheeyey muran xooggan ka dib markii Daqiiqadii 98-aad ee dhammaadka waqtiga rasmiga ah ee Ciyaarta uu garsoore Jean-Jacques Ndala kooxda Morocco u dhigay rigoore muran weyn dhalisay ka dib markii Brahim Diaz uu ku dhacay xerada ganaaxa.
In kasta oo kooxda Senegal ay gebi ahaanba garoonka cadho uga baxeen, balse kabtan Sadio Mané isma dhiibin waxaanu ku qanciyay saaxiibbadiis inay dib ugu soo laabtaan garoonka ka dib markii waxoogaa ay ciyaartu hakad gashay.
Guushan ayaa ka dhigan in Senegal ay hadda haysato laba koob oo AFCON ah (2021 iyo 2025), iyadoo Mané uu mar kale xaqiijiyay inuu yahay mid ka mid ah halyeeyada ugu waaweyn ee kubadda cagta qaaradda Afrika.
Loading...
Loading...


0 





