21 qof oo ku dhintay shil ka dhacay koonfurta Dalka Spain
Dhaawacyada la gaadhsiiyey Isbataalada 24
Wararka ayaa intaa ku daraaya in ilaa in ka badan 100 Qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilkan kadib markii ay isku dhaceen laba tareen oo ku socday xawaare aad u sareeyey.
Dhaawacyada la gaadhsiiyey Isbataalada 24 ka mid ah ayaa la sheegay in xaaladoodu halis tahay, sida uu sheegay madaxa dowladda gobolka Andalucia, Juanma Moreno, oo la hadlay wariyeyaasha saaka goor hore.
Gaadiidka tareenka Madrid ku socday ayaa ka baxay jidka tareenka, iyaga oo ku dhacay tareen kale oo ka soo horjeeda oo marayay Adamuz, oo u dhow magaalada Córdoba.
Afar boqol oo rakaab ah iyo shaqaale ayaa saarnaa labada tareen, sida ay sheegeen shabakadaha tareenada.
Loading...
Loading...


0 





