Booliska Somaliland oo qabtay dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun
Eedaysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa
![]() |
Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun oo si cad uga soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban, akhlaaqda iyo badqabka bulshada.
Eedaysanayaashu waxa ay muuqaallo duubeen iyaga oo dagaallamaya, isla markaana ku hadlaya hadallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, kuwaas oo dhaawacaya qiyamka iyo anshaxa bulshada.
Eedaysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu mar kale bulshada uga digayaa falalka noocan oo kale ah ee lidka ku ah Diinta, dhaqanka suubban iyo nabadgelyada guud, waxaanu adkaynaya in cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah lala tiigsan doono sharciga.
Loading...
Loading...


0 






