Wehelka ugu Fiican waa Rabbi SWT❤

0
Wednesday January 14, 2026 - 10:50:45 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wehelka ugu Fiican waa Rabbi SWT❤

    Qofka Alle wehel ka dhigta wuxuu helaa xasillooni qalbi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka Alle wehel ka dhigta wuxuu helaa xasillooni qalbi,


Walaal Wehelka ugu fiican ee qofku heli karo noloshiisa waa Rabbi SWT. Dadka, saaxiibbada iyo qaraabadu way iman karaan wayna tegi karaan, balse Alle mar walba wuu la jiraa addoomihiisa, xilli kasta iyo xaalad kasta. Marka aad faraxsan tahay, Alle waa kan kuu nicmeeyey, marka aad murugaysan tahayna, isagana waa kan kuu naxariisanaya oo qalbiga kuu dejinaya. Wehelka Alle waa mid aan marnaba ku khiyaamin, ku dayicin ama kaa jeesan.


Qofka Alle wehel ka dhigta wuxuu helaa xasillooni qalbi, sabar iyo rajo aan dhammaan. Dhibaato kasta oo ku soo wajahda, wuxuu ogaanayaa in Alle la socdo, una diyaariyey ajar iyo khayr ka weyn inta uu arko. Ducada, salaadda, Qur’aanka iyo xuska Alle ayaa qofka ka dhigaya mid ku dhow Rabbigiis, kana dhiga nolol macaan oo macno leh.

Wehelka Alle wuxuu kaa xoreeyaa cabsida dadka iyo ku tiirsanaanta makhluuqa. Wuxuu ku baraa tawakkul, iimaan iyo kalsooni buuxda. Qofka Alle la jiraa weligiis kaligiis ma aha, xataa haddii uu keligiis joogo. Sidaas darteed, qof walba waa inuu dadaal ku bixiyo inuu Rabbi SWT u doorto wehelkiisa ugu dhow, sababtoo ah waa wehelka ugu daacadsan, ugu naxariista badan, uguna joogtada badan adduun iyo aakhiro labadaba.
Marnab haka quusan naxariista rabi swt.

Yaa rabi ilaahayoow nagu hanuuni awaamiirtaada, ilaahayoow nagu hanuuni naxariistaada.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...