Dadka waxey in badan xasuustaan qaladkaaga marka loo eego inta ay xausuustaan wanaagaaga
Sababtoo ah maskaxdu waxay u aragtaa qaladka qofka, sheeko xiiso leh oo kicinaysa dareenka iyo hadal-heynta.
Cilmu-nafsi ahaan, dadka badankood waxay ka helaan:
Ka sheekaynta khaladka qof kale
Falanqaynta guuldarradiisa
Iyo isbarbardhigga naftooda iyagoo hoos u dhigaya dadka kale
Sidaas awgeed, guuldarradaada ama khaladkaaga inta badan dadka uma arkaan cashar, ee waxay u arkaan madadaalo (entertainment)
Haddaba: Haku luminin tamartaada inaad qof walba qanciso, hana u ogolaan aragtidooda inay go’aamiso jihadaada
Qofka horumara waa kan:
> Fahma in aragtida dadka ay ka tarjumayso iyaga ra'yigooda, ee aanay ka tarjumayn adiga qofka aad tahay.
Sidaa darteed, diiradda saar cibaadada alle, danahaaga & yoolkaaga — maxaa yeelay kuwaas ayaa ah waxa kaliya ee noloshaada wax ka beddeli doona.
وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ
(Al-Ancaam: 116)
قال رسولُ الله ﷺ:
«مَنِ الْتَمَسَ رِضَا اللَّهِ بِسَخَطِ النَّاسِ، رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ وَأَرْضَى عَنْهُ النَّاسَ
وَمَنِ الْتَمَسَ رِضَا النَّاسِ بِسَخَطِ اللَّهِ، سَخِطَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَأَسْخَطَ عَلَيْهِ النَّاسَ»
???? رواه الترمذي
Xigasho Abdifitah Dahiye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





