Madaxweynaha Puntland Oo Codsi U Diray Dawlada federaalka Ah Ee Soomaaliya
Garoowe(HWN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa codsi u diray dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayey munaasibad maamulka Puntland ku xusayey sanad guurada 21aad ee ka soo wareegtay aas aaskii maamulkaasi ayaa sheegay ayaa ka codsaday dawlada federaalka ah in 1-da August loo aqoonsado maalinta federaalka.
Madaxweyne Siciid Deni oo codsi u diraya dawlada
federaalka ah ayaa waxa uu yidhi "Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la
aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray
kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka.