Mas'uuliyiinta Sarsare Ee Soomaaliya Ee Haysta Labada Jinsiyadood

0
Friday August 02, 2019 - 16:29:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Sarsare Ee Soomaaliya Ee Haysta Labada Jinsiyadood

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay

sheegay in uu si rasmi ah isaga celiyay jinsiyadiisii labaad ee Maraykanka, uuna ku ekaan doono tan Soomaaliga. Wuxuuna wixii hadda ka dambeeya kaliya isticmaali doonaa baasaboorka Soomaaliga.



Marka isbarbardhig lagu sameeyo baasaboorka Soomaaliga iyo kan Maraykanka, waxaa aad u sareeya kan Maraykanka sida ku xusan bogga passportindex.


9 dal oo kaliya ayaa fiiso la'aan lagu tagi karaa baasaboorka Soomaaliya, halka kan Maraykanka lagu tagi karo 115 dal adiga oo aanan qaadan wax dal ku gal ah.


Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dadka Soomaalida waxa ay u kala qaxeen daafaha adduunka, halkaas oo ay ka heleen dhalasho labaad.


Balse markii qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah lagu soo dabaalay xasilooni, waxaa batay dareenka laga qabo dadka haysta dhalashooyinka ajnabiga, taasna waxaa malaha sare usii qaaday ku lug lahaanshiyaha beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya.


Tiro aad u badan oo ka mid ah mas'uuliyiinta xilalka ugu sareeya ka haya dowladda Soomaaliya iyo waliba shaqaalaha rayidka ayaa haysta dhalashooyinka dalal shisheeye oo u badan kuwa reer Galbeedka.


Shabakada daahfurnaanta arrimaha dowladda wanaagga ee Wakiil ayaa tirakoob ay samaysay waxa ay ku sheegtay in 105 xildhibaan oo ka mid ah labada Aqal ee baarlamaanka ay heystaan baasabooro ajaaniib ah

Waxaana xusid in tirada ugu badan ee xildhibaanadan ay ka yimaadeen dalka Maraykanka.


Laamaha kala duwan ee dowladda

Marka laga tago madaxtooyada iyo baarlamaanka, dhammaan laamaha kale ee dowladda dadka madaxda ka ah waxa ay intooda badan haystaan baasabooro ajaaniib ah.


Sida laanta fulinta, Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo ugu sareeya xukuumadda waxa uu heystaa dhalasho Norway ah iyo ku xigeenkiisa Mahdi oo heysta baasaboor Itoobiyaan ah.

 

Boqolkiiba 74% wasiiradda waa xildhibaano sida ay shabakada Wakiil qortay, taas waxa ay ka dhigantahay in xildhibaano badan oo ah kuwaas kor lagu soo sheegay ee baasaboorada ajaaniibta haysta ay ku jiraan golaha wasiiradda.


Xagga garsoorka iyo ciidamada , waxaa la sheegay in mas'uuliyiinta qaar ay heystaan dhalashooyin dalal kale.

Intaas oo kaliya kuma eka, xitaa inta badan dadka raadinaya in ay qabtaan xilka ugu sareeya Soomaaliya waa kuwa wata baasabooro dalal kale. Sida uu qorey wargeyska Quartz , 16 ka mid ah musharixiintii u taagnaa xilka madaxtimada Soomaaliya ee sannadkii 2017-kii ayaa heystay dhalashooyin dalal kale.


Abukate Zakariya Yuusuf oo ah khabiir xagga sharciga ah aya qaba in la joogo xilligii xeer laga soo saari lahaa in dadka haysta labada dhalasho aysan qaban karin jagooyinka muhimka ah.


" Maadaama uu madaxwaynuhu go'aankaas qaatay geesinimada leh muujiyay wadaniyadiisa,muujiyay dadnima dal jaceylkiisa,waxan aniga fikiri lahaa in xeer iyo nidaam laga soo saaro oo waliba uu isaga madaxwaynaha u horeeyo " ayuu intaa ku daray.


Sidaasi oo ay tahay, dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxa uu ogolaanayaa in dadka xilalka qabanaya ay heystaan labo jinsiyadood.

 

BBC

 

Loading...
Loading...