Ciyawggii Habeen Dhawaaqay Wuxuu Ka Cawduu Dareemay ( Abdi-shotaly).

0
Wednesday March 13, 2019 - 18:58:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyawggii Habeen Dhawaaqay Wuxuu Ka Cawduu Dareemay ( Abdi-shotaly).

    Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda,
tulud geeloo, tebtey llmihii , olol taagteed, tahan qaylisay, cidlaad tubantee Kulmiyaw tasho, dadkii kaa tage, adays turqayoo ,is tafaafulay, inan kuu tudho, hayga tuugine, tuugyey ka furfuro. Ummad yahay, murti uu inooga tegay Cigaal Shidaad baa waxay ahayd " Saadam-baad garan" waxay ina faraysaa, in aanan wax uun ku dhaqaaqine, aad iska fiirsato, iskana hubsato, inta aanad ku kicin ama aanad falin, wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, qofku in uu qoomamayn doono, wax yaabaha laga kari la'yahay, ee la leeyahay ka joog, wuxu ganafka sare u taago-ba, oo uu is diidsiiyo wax cadaan ahba, aakhirka way hor timaadaa iyadda oo aan la loodin karayn, ka dibna markaas buu indhaha kolba meel ku fiiqaa isaga oo itaal daran, oo ay anfaci waayeen madax-taaggii iyo qafal-xumiddii uu nafta moodaayeey, maalmihii ay maqaaxidu u shidnayd. dhibaataddii laga hor joogay markay soo wajahdo, buu xaar ka wadhaa iyo tolaay sidda askarigan wajaqan ee " Raggii ma adigaa ka hadhay la yidhaaho", Waayo'arag-nimadda iyo garashadu akhristaw, waa wax la is dheer-yahaye, ninka ay tuumbo malab ahi meel ugu jirtaana kuma qanco, illaa ay bishu hortiisa timaado'e, ganafka baa lagaga dhuftay, isku soo duuboo reer-kani mid guuraaya maaha, waxa-na naafeeyey Askarigan, isaga oo markii hore-ba fadhiid-nimo u dhashay. Waxa la yidhi , Dacawo baa reer doonaayey in uu caawa oo kale guuro, goor fiidkii ah, yeelihii ka cuntay, dabeed intay muska u gashay bay qosol la soo jeesatay, oo ay tidhi wallee "Reer Aan Ogahay Ma Guuro" ilayn xadhig wax lagu xidho iyo yeeli uma noola'e, waxa sidaas saaka ah Somaliland, oo aanay meelina u bed qabin.

Janaral Caarre Iyo Mustafe Martin waa cadaalad iyo sinaan doon, dulmi diid ah iyo maamul beelaysan, waana ay iman doontaa maalin-toodu, waana ay u dhamaan doontaa maamulkan ay hor boodayaan askar cuqdad lagu koriyey. Ciyawggii habeen dhawaaqay, wuxuu ka cawduu dareemay, cawaysinka haadka duulay, cadaawihi buu ogaaday, waxan ujeedaa ummaddii waxay si wacan u fahantay, in aad tahay cadawga keli ah ee Somalialnd jira hadaad tihiin labadda askari. kulmiye wuu soo gabaga-boobay, wuxuna noqday ri'ddii mudo ay sugayeen caruur dhawr ah ahi in loo liso marka ay dhasho, ee iyaddii oo dhiil weyn u sii cusheen, iyaddii dib isu jaqaday, ee caanihii iska dhamaysay, cid loo liso daayo, iyakabii isku haysta oo kolba kala hadlaaya, $80miliyan oo doolar iyo in ka badan oo dayn ah ba analaku soo wareejiyey iyo waa been, oo markii wax la sheego la waayey iyo geed la qabsado, been la soo derderaana ay soo dhamaatay, bay hadda kolba derbi isku qaadayaan, ilayn caleen-tooddii baa cadaataye. deked ba ala kireeyey, iyo waa been, maamulkii siilaanyo baa sii qaatay lacagtii iyo ma jirto baa ka dhex taagan, ee yaa u gar qaadaaya? Waxan uga jeedaa, askariga Kulmiyaw, Illaah baa guntiga kuugu xidhay, maydhax gumareede, geedkii ad goysaaba waa, gawlaliyo jiice, maxaanu kuu qaban karnaa, haddii aad noqoteen adiga iyo Ina Kaahin tukihii cadaa iyo Xuunshaddii madoobayd, ee uu mid-koona dhex geli kari waayey noociisii, haddii ummaddii aragiina daayo, maqal-kiinii dhegaha laga furaystay, waa midh subxaana-laah "Nabsaa ku haya, hagardaamo gacal, hadimadii-siiye, Aduun baa hayeydda u guntane, heeryo lagu saarye". la hubsay oo gorayo haad noqotaye, saw ma tihid ninkii seexday ee soo toosay, ma wax baa iska kaa bedelay? Adoo taariikh-daadda og, weligaa cidla iyo meel aan loo jeedin baad ka botorisaa, oo adaa lamaha isku soo jebiya aan kuu dhawayn inta aad doonto, Waxa ay Reer Somaliland ku leeyihiin, wax-ba shaadh kale ha noo soo gashan, cid aad maanta wax u sheegayso baa iskaba yare. Arinta hadaba aan u soo qaatay akhristaw xaajadan sare ku taal, waxa weeye, ummadu waxay siisay Kulmiye mudo shan sano ah, oo ay ku tidhi bal hadda aan kugu eegno hogaanka ee qabo, iyaka oo ku yaqaanay waxa aad tahay Kulmiyaw, imika bay leedahay ummaaddii aad tidhi itijaabiya " Awelba anakoo ooyeynay bay riyina nagu sii joog-satay".

Kuma taranee ha ku talo gelin, Talo maalin bay ahayd, waa tii la garan waayey, Nin baa shir ka hadlay beri oo yidhi " Wax baan ogahay", markaas baa la waydiiyey, oo lagu yidhi maaxaad og-tahay sheekhaw? bal hadda aanu ku dhegaysano'e ,noo dhaqaaji waxa laguu nuuriyey, wuxu ugu jawaabay, anigu idiin sii sheegi-maayo'e, ee cadceedda oo duhur ah, hadhku gondaha joogo, oo ay tahay siddii Qu'raanku sheegay " Yaa Mac-sharal-jini wal Insi" ay soo wadda taagan yihiin, markhaatina ka ah, cid hadhay jirin, baad si cad u arki doontaan waxa lay tusay, buu hadalkii ku soo xidhay. ujeediyo haatan, anna waxa uu hadal igaga go'an yahay, oo aan ku soo af-meeray qoraalkan, haddii aad qadanay-saan iyo hadii kale-ba, mar haddii kuwii dabadda-ka soo shuqa-shuqayn jirey askariga, ay duhur cidhibta kaga dhufteen kulmiye, sidda Ramaax oo ah kuwii lagu ilaalin jirey Meesha iyo Cali gurey, Cali mareexaan, Cadaani, jaamac shabeel iyo qaar kaloo badan oo imika askariga uun mooyee aan wax kale ka hadlin, laakiin-se uu yahay, kii loogu maah-maahay " dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahay" kaas oo markuu afka furto-ba dhaliila, waxan isna leeyahay, Cali gureyaw ma adaa ka talinaaya Qaranimo iyo Somaliland?, miyaanad ahayn kii lahaa " Halkii Ilaahay I baday baan tegayaa? ee si cad qabyaaladda ugu badheedhay, weliba isla soo taagay saxaafadda? Yaad isu sheegaysaa? waa kee ka aan ku ogayni? Gar dabadeed baan guu-guu nacaye, meel ha ku geyso, awel-ba maclin PP ah baad ka ahayd Somaliya'e, xarshina burkaa aad ka cuni jirtey, ka dagaal galay-na ma tihide, la qabso duruufaha waa taad doonay,saye, cidi kaa dhegaysan mayso Somaliland baan u baqayaaye, ka soo maal waa taas dhacan-taye, xataa kiilkii shanaad kugu sheegay argagi-xiso'e.

*.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...