Tilmaamo ku saabsan tarbiyada carruurta

0
Thursday January 01, 2026 - 11:04:38 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tilmaamo ku saabsan tarbiyada carruurta

    In si dhab ah loo dhageysto, dhegeysigu ha ka bato hadalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In si dhab ah loo dhageysto, dhegeysigu ha ka bato hadalka.



Tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso xiriir saaxiibtinimo oo u dhexeeya waalidka iyo ilmaha waa dhisidda xiriir togan (positive relationship).

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xoojiya xiriirka togan ee ilmaha:

In waqti gaar ah loo qoondeeyo wada hadal lala yeesho ilmaha, adigoon ku mashquulin amarro iyo toosin, isla markaana aad ula degto danihiisa, lana wada hadasho arrimo guud sida kuwa dadka waaweyn: siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nolosha guud.

In si dhab ah loo dhageysto, dhegeysigu ha ka bato hadalka.

In la aqbalo ilmaha xaalad kasta oo uu ku jiro; aqbalaaddu micnaheedu ma aha in la cudurdaarto khaladka, balse waa in la qaabilo qofnimadiisa, lana diido dabeecadda khaldan.

In la badiyo dhiirrigelinta, ammaanta iyo taageerada, iyadoo mararka qaar la adeegsado iska indho-tirid xikmad leh.

Waxyaabaha ugu badan ee burburiya xiriirka togan:

Talo iyo waano xad-dhaaf ah.

Eedayn badan iyo cabsi-gelin joogto ah.

In wixii uu ilmuhu kuu sheego loo adeegsado canaan ama lagu muujiyo khaladkiisa.

Xusuusnow: marka saaxiibtinimada lala yeesho ilmaha ay hirgasho, uma baahna inuu raadsado xiriirro aan ammaan ahayn si uu u daboolo baahidiisa dabiiciga ah. Saaxiibtinimadu kama timaaddo si kedis ah, balse waxay ku dhisan tahay faham, waqti iyo dadaal la geliyo, iyo samir.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...