Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ku Wajahan Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Ka Soo Dega Madaarka Hargeysa

0
Friday August 02, 2019 - 12:33:15 in News by
  • Visits: 7322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ku Wajahan Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Ka Soo Dega Madaarka Hargeysa

    Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ku Wajahan Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Ka Soo Dega Madaarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ku Wajahan Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Ka Soo Dega Madaarka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay talaabooyin caqabad ku ah somaliland ku soo rogto diyaaradaha caalamiga ah ee isticmaala garoomada somaliland.


Warar laga helay dawlada soomaaliya ayaa sheegaya in talaabooyinka ay dawladu qaadayso ay uga dan leedahay inay cadaadis ku saarto somaliland si uu isbadal ugu yimaado go’aanka madax banaanida ah ee ay qaadatay.

Image result for somalia logo


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dawlada federaalka ahi qorshaysay in talaabooyinkeedu ay saameeyaan shirkadaha caalamiga ah ee isticmaala madaarada maamulka Puntland.


Qorshaha ay dajistay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka kooban laba talaabo oo kala ah maadaama ay soomaaliya gacanta ku hayso maamulka hawada in aanay ogolaan doonin inay ka soo dagaan garoomada diyaarado aan ruqsad ka haysan dawlada federaalka ah, waxaanay wararku tibaaxayaan in dawlada Muqdisho ay si gaar ah u bartilmaameedsan doonto diyaarada laga leeyahay Imaaraadka ee ka soo dega garoonka Hargeysa ee caasimada somaliland.


Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa sidoo kale qorshaynaysa in diyaaradaha caalamiga ah ay culays ku saarto inay fadhiistaan garoonka Muqdisho ka dibna diyaaradaha soomaalidu ay la wareegaan rakaabka si ay u gaadhsiiyaan Somaliland iyo dawlad goboleedyada soomaaliya, iyada oo diyaaradaha soomaalidu ay dadka dhoofayana iskugu geeyaan muqdisho si ay u raacaan diyaaradaha ay tigidhadooda goosteen, iyada oo dawlada soomaaliya uga dan leh qodobkaasi mid loogu danaynayo dhaqaalaha soomaalida kaas oo la filan karo inay taageero ka hesho shirkadaha soomaalida oo cidhiidhi kala kulmaya shirkadaha caalamiga ah.


Dhinaca kale hay’adda duulista hawada u qaabilsan qaramada midoobay ee ICOA oo dawlada soomaaliya ku wareejisay maamulka hawada ayaa ku wargelisay shaqaalaha ka hawl gala madaarka Hargeysa oo ay mushaharka siin jirtay inaanay cusboonaysiin doonin heshiiskii ay kula jirtay oo dhamaanaya 1 August balse ay u furan tahay inay heshiisyadooda shaqo ku wareejiyaan hay’adda duulimaadyada soomaaliya oo qabanaysa shaqadii ay ICOA qaban jirtay, taas oo halis galinaysa shaqaalaha waaya araga ah ee ka hawl gala madaarka Hargeysa kuwaas oo ogolaan kara inay hoos tagaan soomaaliya.

Loading...
Loading...