Djibouti oo Hakisay In Dalkeeda Lagu Soo Galo Baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca Kale Safiirka Dalkaasi u jooga Qaramada Midoobay ayaa muujiyay...
Xukuumadda Djabouti ayaa hakisay in dalkeeda lagu soo galo Baasaaboorka Dalka la aqoonsaday ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Warkan oo aan ka helay dad xog’ogaal ah ayaa ii sheegay in Djibouti oo ka cadhaysan Aqoonsiga ay Somaliland Dalkii Koowaad ka heshay 34 Sano oo ay gaarkeeda u taagnayd ay joojisay In dadka Sita Baasaaboorka Somaliland ay soo galaan Dalkeeda.
Geesta kale Safiirkii Somaliland u joogay Magaaladda Jabuuti Amb. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna Hargeysa in dhaweyd ku sugnaa.
Dhinaca Kale Safiirka Dalkaasi u jooga Qaramada Midoobay ayaa muujiyay cadaawada uu ka Qabo aqoonsiga ay Somaliland mar kale Dunida ka heshay.
"Aqoonsi la siiyo Somaliland wuxuu uga darayaa xaaaladda Soomaaliya, Geeska Afrika ilaa Badda-cas, wuxuu keenayaa amni-darro, kooxo hubaysan, argagixiso & jaahwareer caalami ah.” Ayuu yidhi Safiirka Djabouti u jooga Qaramada Midoobay.
Somaliland iyo Djabouti oo in dhaweyd soo nooleeyay xidhiidhkoodii xumaaday Horaantii Sanadkii 2024 ayaa haddana ku dhacaya God Madaw.
Djibouti Waxa in dhaweyd lagu eedaynayay in ay nabad galyo daro ka wadi Gobolka Salal, Waxaana shacabka Somaliland ay si dhaw ula socdeen Falalka ay Xukuumadda Djabouti ka soo abaabulayso Jabuuti.
Arrintan ayaa ah mid xumaynaysa xidhiidh aan Cago adag ku taagnayn oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Dalkaasi uu Geelle 26 Ka Sano Hor joogaha ka yahay.
Loading...
Loading...


0 





