Fariin Muhiim ah Oo Ka Timid Hadhwanaagnews

0
Saturday December 27, 2025 - 12:01:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Muhiim ah Oo Ka Timid Hadhwanaagnews

    Somaliland maanta waa dal la aqoonsan yahay, waxaana hubaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland maanta waa dal la aqoonsan yahay, waxaana hubaal



Qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ee dalku aqoonsan yahay, waxa saaran masuuliyad weyn oo ku aaddan ilaalinta amniga dalkiisa, isagoo garab taagan Ciidamada Qaranka, isla markaana ka qayb qaadanaya sugidda nabadda iyo xasilloonida guud.

Somaliland maanta waa dal la aqoonsan yahay, waxaana hubaal ah in ay leedahay cadow badan; qaar muujiya cadownimadooda, halka qaar kalena ay qarsadaan, kuwaas oo doonaya in ay dhibaato u geystaan shacabka iyo qarannimada Somaliland, isla markaana ay faafiyaan warar xun iyo qalqal gelin. Alle ayaynu ka magan galnaynaa shartooda iyo dhagarahooda.

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo feejignaanta, lagana hortago dhagar kasta oo cadowgu maleegayo. Muwaadiniinta waxaa lagu boorinayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka, isla markaana ay si degdeg ah u soo wargeliyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan ama amniga wax u dhimaya.

Waad mahadsan tihiin, dadkaygii sharafta lahaa.
Ilaahay ha inoo sugo nabadda iyo qarannimada Somaliland.


Loading...
Loading...