Ururka Yuhuuda Oo Dhaawacan Baa Somalida Er-Yanaaya.
Qalinkii: Axmed Cali Kaahin
Somaalida oo ay hogaaminayso Ilhan Cumar waxay taabteen sanabka ugu wayn Maraynkan-ka oo ah in Yuhuuda wax laga sheego taasi oo xataa madaxwaynayaashu ka baqan jireen. Sanabkaa Yuhuuda waxa gaadhay dhaawac iyo dalool ay ku samaysay gabadha Ilhaan, waxa nabarka sii xoqay dad badan oo hore ugu baqaj jiray imikana dhiiraday markii baarka laga gooyay geedka xididada gaamuray ku qotama, dadkaasi oo dhaawacaa yar bilaabay in ay sii qod-qodaan taasi oo keentay in sanabkii ugu waynaa lagu dhiirado, waxa sii sahlay warbaahinta bulshada ee madaxa banaaan, maadaama warbaahinta rasmiga ah badankeeda ay maamulaan Yuhuudu kuwaasi oo faafiya warar been ah. Dhibaatadu waa maxaad nabarkaa u samayseen dadkii adoomaha noo ahaana aad u toosiseen.
Somaalida waxa la doonayaa sida muuqata in dhibaatadaa ay gaadhsiiyeen ururka Yuhuuda ee AIPAC lagu ciqaabo taasi oo bulshada Maraykan loo sheegayo in cidii isku dayda sida Somalida waxa ku dhacay ay ku dhici-doonaan, waa cabsi galin ku socota bulshada Maraykan oo bilaabay in ay ka xoroobaan saamaynta ururka Yuhuuda ee AIPAC ku leeyahay jaangoynta noloshooda.
Dunida wadamo dhan baa cashar loo dhigay sida Japan iyo Germanay oo ilaa hadda Maraykanka iyo xulufadiisu si dadban bay u gumaystaan oo aan loo ogolayn in madaxa sare u qaadaan. Somalidu waxay taabteen ubucda dhibaatada dunida markaa waxa ku socdaa waa dagaaladii ay ku qaadi jireen cida ka hor timaada. Dadka Kale’na cashar-ka ugu dhigi jireen si aan loogu soo dhiiran waxa haysa cabsi ay abuureen daruuraha hadda dunida ka socda haddii Maraykan-ka lagaga soo adkaado waa ubucda jabkooda oo dhan ahaan bilaabmatay hadda, marka la eego mudaharaadkii Jaamacahadaha Maraykan ardaydooda oo badalay sawirka siyaasiyiinta soo socda ee Maraykan ee mustaqbalkain ay diidan yihiin Ururka iyo Yuhuuda taasina waa dhibaato ay ka baqayaan.
Balse maantu dunidu dunidii hore maaha waxa muuqata in miisaanku wareegay oo hadda meel ay AIPAC ka soo noqotaa aanay jirin kaliya waxa socdaa waa rafadkii AIPAC oo dhaawacan baa soomalida eryanaysa.
Sidaa daraadeed aqoonyahnada qaar baa ku dooda in jinsiga Somalida guud ahaan ay matalaan dadka Jabaan oo aad looga cabsado haddii ay fursad helaan, waa dad isku diin ah, waa dad isku luqad ah waa dad meel kuwada nool oo aan qoomiyado kale la noolayn, haddii dhulkooduna uu gaadho 1 Milyan Sq waxa loo rajaynayaa saadaal ahaan in ay mar dunida hogaamiyaan dadkaasi marka la eego qaaciidooyinkaa aan soo sheegnay. Dadka dunida hadda horboodaana khatar bay u arkaa ishana way ku hayaan maadaama hogaaminta loolan adag ka jiro oo dano ku salaysan.
Sidoo kale dalka Maraykanka waxa la yidhaa waa shirkad wayn maadaama ganacsiyada gaarka ahi ay xataa sameeyeen hubka ciidamada Maraykanka dadka shirkadahaasi maamulaa waa dadkii warshadaha maamuli jiray oo ka qaxay dagaalkii sokeeye ee Yurub taasi oo dadku u qaybsanaayeen dadkii beeraha lahaa iyo kuwii beeraha ka shaqayn jiray awoodii uun baa la dawladeeyay oo shaadh loo galiyay markaaa shaqaaluhu ma hadli karo oo shaqada uun baa la taabanayaa cidii kale ee dano loo abuurana dantaa uun baa la tabata beeralayuna cid gaara ayaa maamusha iyo dhaqaalaha kaasi ah gumasiga casriga ah diirada hagta.
Sababtaasi awgeed shirkadahaasi waa kuwa jaangooya siyaasada Maraynkan-ka waxa hormood u ah oo calanka u sida ururka IPAC American Israel Public affairs Committee dadka taageera oo ah hantiilayaasah Maraykanka ururkan oo la aas-aasay 1954 uuna aas-aasay Isaiah L. Kenen oo ahaa Wariye Looyar ah Yuhuudi Maraykan ah, ka dib markii madaxwaynihii wakhtigaa ee Maraykanku Dwight D. Eisenhower uu joojiyay kaalmadii maaliyeed ee uu siin jiray dawlada Yuhuuda markay ay ku xad-gudbeen heshiiskii Qaramada midoobay ee dhulka barakaysan iyo in ay dad reer Falastiin ah xasuuqeen.
Sidaa daraadeed si aan masuul dambe oo Maraykan ahi u awoodin in uu taageerada Yuhuuda la siiyo uu joojiyo, waxay qaateen siyaasad ah in ay siyaasiyiintaba sameeyaan ka hor doorashadooda, Iyaga oo ka faaiidaysanaya awoodahooda waxay maamulaan Bangiyada oo lacagtii ah, warbaahinta oo dhagihii codeeyayaasha ah iyo siyaasiyiinta oo ah dameerihii ay fuulaan, wuxuu yidhi dameer baanu fuulnaa haddii uu nagu ciyana mid kale uun baan fuulnaa.
Dhinaca kale waxay fadhiyaan albaabada dadku u baahan yihiin sida Looyadara, Xisaabiyaasha, Dhakhaatiirka iyo kuwa arrimaha bulshada ka shaqeeya. Waxay isbaaro dhigteen meelaha bulshadu u baahan tahay si ay u maamulaan bulshada si dadban iyo wax-yaabaha siyaasigu u baahan yahay si ay u maamulaan si toosa, waa wax-yaabaha u saamaxay saamayntooda adag.
Dhacdooyinkaa wixii ka dambeeyayay waxa la yidhaa Yuhuudu waxay ugu necen yihiin madaxwayne Maraykan ah oo mudo xileedkiisii u dambeeyay ku jira, oo macnaheedu yahay uma baahna doorasho dambe iyo taageerada Yuhuuda wuxuu isku dayaa in uu talaabooyin qaado sidii ay qaar ka mid ahaa sameeyeen wa-xoogaa horumar ah dhinaca falastiin qaarna booqdeen dhulka falastiin Sida Madaxwayne Clinton oo 1998 tagay Falastiin halkaasi oo uu ka furay Madaarka la yidhaa Qaza Airport Carafaadna la kulmay, balse waatii Mawjad fadeexad ahla huwiyay si looga aar-goosto dagaalo wajiyo badan bay madaxda ku qaataan.
Dhinaca kale waxay aaminsan yihiin dadka ka faalooda arrimahaasi in ubucda taageerada Maraykan ee Yuhuudu ay jiraan arrimo faro badan balse udub dhexaadka iyo halka ugu culus waa ta dhaqanka iyo diinta ay aaminsan yihiin waana mashruuc ay qoladaasi wataan oo loo yaqaan Injiiliyiin waana laba kooxood oo xagjir ah, haddalo badan oo taa ku saabsana waxay ka sheegaan shirwaynaha sanad-laha ah ee ururkaa.
Isha ay ku maamulaan waa dhaqaalaha iyo warbaahinta siyaasadu hagayso waa urur u ololeeya saamyta go’aamada siyaasiyiinta maraykanka iyo miisaanka doorashooyinka kharashka ku baxa kuwa taageersan iyo kharashka lagu rido kuwa ka soo horjeeda danahooda sida ku dhacday xildhibaano badan 2022 waxa ururka ku faanay kuna qoray dagalkooda in 98% dadkii ay taageereen ku guulaysteen doorashooyinkii waxay taageereen 366 mushara oo kala duwan.
Dhinaca kale waxay ridaan cida codka sare uqu qaada ama ka hor timaada siyaasadooda sida ku dhacday Congressman Jamaal Bowman 2021 to 2025 New York oo siyaasadaha ururka ka soo horjeeday waa laga saaray golaha markii lacag la siiyay ninkii la tartamaayay isagana culaysyo la saaray ugu dambayn dibaday dhigeen. Haddaba Ilhaan oo ay isku dayeen in ay ridaan way ku adkaatay in badan balse hadda waxay u wareegeen haddii ay dhici wayday waa in dadka taageera la ciqaaba, ciday doonaan way ridi jireen balse sheekadani waxay ku noqotay wax cunaha u mari waayay sidaa daraadeed ciqaabtii Ilhaan lala waayay waa in dadkeeda laga jaraa siday u muuqato.
Sida caadada ah Maraykanka Haddii aad shaandhada Yuhuuda dhaafto oo aad masraxa fuusho way ku adkaataa in ay ka adkaadaan siyaasiga sida uu sheegay John Edward mar uu madaxwayne ku xigeen u tartamay, waxa la waydiiyay odayaashii waawaynaa goormaad soo dhaaftay waad ku cusub tahay golaha e, wuxuu yidhi inta aad tahay shimbirta yar ee qoolayda waa la isnabaa balse haddii bulshada Maraykan ku bartaan waxaad noqonaysaa Gorgor sidooda oo kale, intay ku dili karaan waa intaanad caan noqon. Hadda Ilhaan meel ay ku qabtaan way dhaaftay balse xildhibaan Jamaal oo New Yore laga soo doorto biqilkay ku daaqeen.
Sidoo kale waxay qabtaan shirwayne sanadle ah kaasi oo siyaasiyiinta Maraykanka madaxwaye ilaa musharax ay sameeyaan wax u eeg u dhaarasho daacadnimada ururkan Yuhuuda ee AIPAC khudbadaha ay halkaasi ka jeediyaan waa hadalo teegeerada Yuhuud iyo beer-laxawsi siyaasadeed, waxa uu sheegay Trump mar uu shirkaa ka hadlayay in sharci kasta oo UNtu keentu uu saari doono Vito oo Yuhuuda khuseeya. Dhibaatadu waxa weeyi waxay maamulaan dhamaan waxa uu u baahan yahay musharaxu oo ah lacagta, warbaahinta iyo codeeyayaasha hagida ra’yigooda maadaama bulshadu warka ka qaataan warbaahinta.
Halka Somalidu warka iyagu kala qaataan taasina waa saamayn kale oo ay khatar u arkan dadka iyagaa warka siiya, bulshadana waxay ka dhigeen in qof kastaa gaar u noolaado oo marka la cunaayo mid aanu qofka kale u damqan iyo waddamadba waa in la burburiyaa xidhiidhka bulshada si aanay iskugu soo gurman markay mid cunayaan ama dal cunayaa sida hadda Falastiin ka socota.
In kasta oo arrimahaasi jiraan maanta dagaalkii Qaza waxa uu qaawiyay Yuhuuda iyo dadka taageera wixii warbaahintu sheegi jirtay in ay been tahay bulsho wayntii caalamkuna runta waajeheen, taasi ayaa soo koobtay cimrigii ururkan iyo warbaahinta bulshada oo ka xor ah saamayntooda oo badashay rayi-caamkii bulshada taasi waxay u arkeen khatar ku soo socota waana sababta ay talaabooyinkan bulshooyinka lidka ku ah u qaadayaan. Sidaa daraadeed hadda waa naf la caari iyo markab wayn oo dagaya.
Ilhaan waa dadka warankii koobaad ku dhuftay in Maraykan dhexdiisa lagu dhiirado waa gabadhaasi oo dhinacaa Falastiin geesiyada ka ah balse arrimo kale oo aan fiicnayna taageerta. Balse dhinacaa Falastiin shaqo fiican bay ka qabatay, waxay waajahday mawjado waawayn oo aan loo dhawaan jirin dadkana waxay bartay in lagu dhiiran karo waana halka colaadeedu salku ku hayso. Guushu dunida markasta xaqaa guulaysta oo baadilku haba dheereeyo meel fog ma gaadho.
Ugu dambayn dagaalka uu ku qaaday Trump Somalida Minnesota degan waa dagaal u dhexeeya fikrado iyo mabaadi waawayn taasi oo uu awr kiraale ugu yahay Yuhuuda kagana raad gadanaayo faxeexadaha hadheeyay. Waxa kale oo la doonayaa in la xakameeyo kacdoonada ka jira Maraykanka ee ku saabsan Yuhuudu waxay kawado Falastiin loona rogo dagaalo aragtiyeed oo ku waajahan soogalootiga iyo dadka waddanka uga soo horeeyay oo la doonayaa in dooda hore ee bulshada maraykan qabto lagu aaso. Balse baadilku wakhti uu dumo uun buu sugaa taasina hadda way caddahay. Waxa taa ka sii daran in dadka Maraykan ee kala taageersan aragtiyaha Liberalka iyo Conservative oo kala ah Xornimo u doodka bilaa xayndaabka iyo kuwa muxaafidka dagaalka u dhexeeya ooh adda maryaaye meel adag in loo leexiyo colaadaa dhexdooda meelo kale.
Haddalada ay aad uga gubteen yuhuudu waxa kamida khudbada ay jeedisay Ilhaan oo ay ku sheegtay sidan "xaqiiqdii 535 Xildhibaan waa in ay kalmad isku mida ku diidaan ficilada bahalnimada ah ee Yuhuudu waddo. Waan cambaaraynayaa gawraca lagu hayo dadka Falastiin caruur iyo cirooleba iyo guryahay dhulka lala simay, Meeday dadnimadii, sideed u daawanaysaan waxa socda ee aad u aamusan tihiin idiinka oo arkaayay maydadka rasaysan, Yuhuudu bambooyinkii aynu sanad ku ridnay afgaanistaan ayay ku rideen wiig gudihii. Anigu waligay joojin maayo in aan ku dhawaaqo in aan idhaah falastiin xaqeeda ha hesho, waa in falastiin xaqooda heshaa dagaalkana la joojiyaa.”
Qalinkii: Axmed Cali Kaahin [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





