Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Qabsoomay?

0
Thursday August 01, 2019 - 19:17:22 in News by
  • Visits: 3406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Qabsoomay?

    Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Qabsoomay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Qabsoomay?


Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.



Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.

La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.

Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye.

Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe.

Image result for golaha wasiirada somaliland

Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso.


Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go'an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...