Somaliland ilduuf siyaasadeed uma baahna maanta.

0
Saturday December 20, 2025 - 19:15:25 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland ilduuf siyaasadeed uma baahna maanta.

    Dekedda Berbera waa albaabka Geeska Afrika laga galo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekedda Berbera waa albaabka Geeska Afrika laga galo.



Haddii miisaanka la saaro qiimaha dekedda Berberi leedahay iyo dalalka Geeska Afrika oo dhan.

Dekedda

Berbera ayaa ka wada qiimo weyn.

 

Muqdisho waxay beesha caalamka ka iibisaa dekedda Berbera ayaanu leenahay.

 

Dekedda Berbera waa albaabka Geeska Afrika laga galo.

 

Hadaba hadii dekedda Berbera ictiraaf kuu goyn waydo oo aad ku heli waydo maanta,

Somaliland weligeed ictiraaf beesha caalamka ka heli mayso.

Ee ha iska ilawdo ictiraaf buuxa iyo madax bannaani danbe.

 

Dekedda Berbera qiimaha ay aduunka maanta u leedahay, maaha mid weligii sii jiraaya,

Maanta ayay qiimo weyn iyo gabacsiga iyo nabad gelyada dunida ku leedahay maanta.

 

Istiraatiijidu iyo jugraafiyadu iyo dabaha aduunka way isbedelaan.

 

Maanta Somaliland waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah oo aan marar badan soo noqnoqon. Waa maalin ay horyaallaan laba waddo: mid horseedi karta sharaf, aqoonsi iyo mustaqbal ifaya; iyo mid kale oo noqon karta ilduuf taariikheed oo jiilal dambe ay ka qoomameeyaan.

 

Heshiiska la filayo ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera, gaar ahaan kan ay Somaliland la galayso dalka Maraykanka, ma aha heshiis dhaqaale oo keliya, balse waa albaab siyaasadeed oo furan.

 

Waa fursad ay Somaliland dunida ugu muujin karto in ay tahay dal leh awood go’aan, istaraatijiyad fog, iyo mas’uuliyad qaran.

 

Maraykanku si gaar ah ula macaamilayo Somaliland, uguna aqoonsanayo xaalad ka duwan tan Soomaaliya inteeda kale,

waa tallaabo u dhiganta aan u dhigmin aqoonsi dhab ah oo aan magac ahaan loo shaacin.

Muwaadiniinta Maraykanka oo u safri kara, u maalgelin kara, ugana shaqayn kara Somaliland si xor ah, waa calaamad muujinaysa in Somaliland hore ugu tallaabsatay masraxa caalamiga ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, waa in la ogaadaa in Deked iyo Garoon ay yihiin kuwa keeni karaataaqoonsi

Oo si toos ah u keenaata aqoonsi buuxa, haddii la helo gorgortan siyaasadeed oo garaad leh, hoggaan indheer-garad ah, iyo aragti qaran oo midaysan.

 

Fursaddu way taallaa, balse sida loo maareeyo ayaa go’aamin doonta natiijada.

 

Haddii maanta Somaliland ilduufto fursaddan dahabiga ah, rajo dambe oo la mid ah midan si sahlan uma soo mari doonto.

In la sugo in Soomaaliya marka ay soo hagaagto ay aqoonsi inoo horseedi doonto, (arintaasuna ma suurto geleyso) waa sugitaan aan dhammaad lahayn.

 

Taariikhdu waxay ina baraysaa in quruumaha fursadaha seegaa ay hadhow ku qasbanaadaan inay ku noolaadaan qoomamo joogto ah.

 

Maanta waa maalintii go’aanka, waa xilligii garaadka, waa waqtigii hoggaan taariikhi ah.

 

Somaliland haddii ay si xeel dheer uga faa’iidaysato fursaddan, waxay u tallaabi kartaa bog cusub oo ay dunidu si dhab ah ugu aragto dal madax-bannaan oo aqoonsi buuxa haysta.

 

Taariikhdu way qori doontaa wixii maanta la go’aamiyo. Go’aankaasna ha noqdo mid ay berito ku faani doonaan jiilasha iman doona, ee uusan noqon mid ay ka ooyaan.

[email protected]

 

Qalinkii: Cali Biixi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...