Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro: Maxay Kaga Duwan Tahay Tii Muuse Biixi ee Hore?
Mise waxba kagama duwana?
Qali: Cali Biixi
Isbedelkii loo doortay xisbiga waddani ma keenay isbedelkii uu ku ballan qaaday?
Maxay ku kala duwan yihiin xukuumadii Muuse Biixi ee hore iyo xukuumada iminka xilja haysa?
Su’aalahan waa qaar sax ah oo waqtigeedii la joogo:
Maxay dhab ahaan kaga duwan tahay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
tii hore ee uu hogaamin jiray Muuse Biixi ee la bedelay?
Ilaa hadda, jawaabtu waa mid ka adag sida la filayay.
Xukuumaddii Muuse Biixi waxa lagu xusuustaa ad-adayg, kalsooni la’aan siyaasadeed, adeegsiga awoodda amniga, iyo fashil ku yimid arrimaha Bariga Somaliland iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda iyo xadhig, car juuq dheh, sirdoon leexsan iyo hanjabaad .
Waxay ku dhammaatay dagaal, kala qaybsanaan, iyo shacab ka niyad jabay dawladnimada.
Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro waxa lagu soo doortay ballan qaadkii isbeddel,
hadal nabadeed, iyo in la saxo wixii qaldanaa ee qaldamay.
Dadku uma codayn shakhsiga oo keliya (CabdiraxmaanCirro),
waxay u codeeyeen hab-maamul ka duwan kii hore oo ay ku kalsoonaan karaan oo isbedel sameeya.
Laakiin sannad kadib,
farqiga u dhexeeya labada xukuumadood weli si cad uma muuqdo.
Hadalkii wuu is beddelay
ereyadu waa deggan yihiin.
Ficilka se waa gaabis.
Xukuumadda cusub weli waxay waqtigeeda ku luminaysaa:
ka hadalka khaladaadkii xukuumaddii hore,
cudurdaar ayay ka dhiganaysaa duruufihii hore,
iyo ilaalinta dano hore oo aan weli la bedelin,
Oo madaxdii hore ee xukuumadii Muuse ayaa dalka weli ka talisa oo aan weli la bedelin.
Oo maamulkii wada haysta,
oo doonaaya in ay xukuumadan cusub fashiliyaan.
Taasi isbeddel ma aha,
waa dib-u-habayn magac uun ah.
Waxaana xilalka loo dhiibay dad ay soo doorteen ganacsato, odayaal , koox hogaamiyaha xisbiga waddani keensaday (Gu: Xirsi),
qaar xisbiga kaah keensaday,
qaar kulmiyihii hore ah oo xilalkii ku hadhay weli iyo qaar madaxtooyadu keensatay oo xulafo la ah xisbigii kulmiye ee la bedelay.
Arrimaha amniga, shilalka, iyo mas’uuliyad la’aanta hay’adaha wali sidii bay u socdaan.
Khibradda iyo waayo aragnimo la'aanta iyo aqoon la'aanta siyaasadeed ee mas'uuliyiinta Xukuumadda cusub ee Cabdiraxmaan Cirro.
Arrinta Bariga Somaliland xal cad looma helin oo oday Jaamac Shabeel oo nabad u tegey Laascaanood iyo in uu maxaabiista soo eego , (waa la xidhay).
(Tegi- taanka Laascaanood ma denbi ayuu noqday? ).
Yey metelaan masuuliyiinta ka soo jeeda Laascaanood ee xukuumadda ku jira,
Yey metelaan hadii tegi taanka Laascaanood denbi iyo xadhig yahay?
Kalsoonidii shacabkana si buuxda looma soo celin.
Haddii xukuumad cusub ay ku dhaqanto:
isla habkii hore,
Isla dadkii hore .
isla dadka qaarkood,
isla cabsidii siyaasadeed,
Xadhig, cadaadis. Iyo car juuqdheh ,
markaa magaca keliya ayaa is beddelay,
ma aha nidaamkii.
Farqiga keliya ee muuqda ilaa hadda waa:
Muuse Biixi wuu adkaa,
Cabdiraxmaan Cirro wuu jilicsan yahay.
Laakiin dawladnimadu ma aha ad-adayg ama jilicsanaan,
waa go’aan, masuuliyad, iyo ficil la arki karo.
Haddii xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro rabto inay si dhab ah uga duwanaato
tii Muuse Biixi,
waxa laga sugayaa:
Xal muuqda arinta Saylac iyo Boorama.
xal muuqda oo arrinta Bariga ah ( Laascaanood).
isla xisaabtan dhab ah,
Masuuliyiin xilalka qaadi karaaya,
Oo leh aragti siyaasadeed, khibrad iyo aqoon iyo waayo aragnimo iyo aragti.
kuwii kulmiye ka soo hadhay oo la bedelo,
Kuwii kulmiye soo maray dhamaantood 14-kii sano ,
Oo aan xil loo dhiibin .
Kuwii kulmiyihii A.Siilaanyo oo aan xilalka la keenin iyagana.
iyo hogaan ka baxsan qabiil , oday , ganacsato iyo koox iyo marmarsiiyo.
Qofkii sharciga ka horyimaada oo talaabo sharciya laga qaado.
Haddii taas la waayo,
taariikhdu hal erey ayay ku soo koobaysaa:
"Xukuumaddii la beddelay waa la dhaliilay,
balse tii bedeshay wax ka duwan ma keenin tii ka horeysay.”
Xukuumaddu wax badan ayuu madaxweynuhu ka qabtay arimaha dibedda ,.
laakiin arimihii gudaha madaxweynuhu ma maamulo oo cid kale ayaa maamusha.
Madaxwaynahu waa in uu doorto xukuumadii isaga la shaqeyn lahayd gudaha iyo dibedda.
Oo khibrad , aqoon , waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed leh oo
uu ku soo xusho.
Oo dhibaatada iyo iskumeeraysiga dalka ka saarta oo dhibaatooyinka xalin karaaya oo aragti leh.
Qali:
Cali Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





