Waa wasiirkii ganacsiga ee u horeeyay ee kormeer noogu iyaada

0
Thursday December 11, 2025 - 17:14:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa wasiirkii ganacsiga ee u horeeyay ee kormeer noogu iyaada

    Intii uu kormeerku socday, wasiirka waxa uu warbixinno ka dhegaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kormeerku socday, wasiirka waxa uu warbixinno ka dhegaystay


Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa socdaal shaqo oo uu maalmihii u dambeeyay ku joogay gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, ku kormeeray goobaha ganacsiga iyo shaqooyinka ka socda.


Intii uu kormeerku socday, wasiirka waxa uu warbixinno ka dhegaystay ganacsatada suuqyada Ceerigaabo, kuwaasi oo muujiyay farxad ay ka qaadeen booqashada wasiirka, iyaga oo tilmaamay in uu yahay "Wasiirkii Ganacsiga ee ugu horreeyay ee noogu yimaada kormeer toos ah.”

Ganacsatada ayaa uga warbixiyay wasiirka dhibaatooyinkii magaalada ka dhacay iyo saamaynta ay ku yeesheen ganacsiga, sidoo kale waxay ka war bixiyeen xaaladda abaareed ee hadda ka taagan gobolka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa dhankiisa uga mahadceliyay ganacsatada sida ay uga qayb qaataan horumarka magaalada, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka galaan koboca dhaqaale ee Ceerigaabo.
Loading...
Loading...